Garowe(pp) Ururka dhalinyaradda ee Y-PEER ayaa maanta tababar socday mudo saddex bilood ah usoo xiray haween gaaraya 30 oo la baray xirfadaha Dawaarka iyo qurxinta dumarka.
Munaasibadd lagu gudoon siinayay haweenka xirfada bartay qalab ay ku shaqaystaan ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirka shaqada iyo shaqalaha Puntland,madaxa IOM ee Garowe iyo masuuliyiinta Y-PEER waxana laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo ku aadan habkii uu tababarku u socday.
Ugu horayntii kulanka waxaa ka hadlay Cabdiwali Cabdulle Timacadde oo sheegay mashruucaan inuu yahay mid si wayn looga faa’iidaystay soona socday mudo lix bilood ah,wuxuna sheegay qaybtaan oo saddax bilood ahaana ay ka faa’iidaysteen 30 haween ah oo la baray labo xirfadood oo ay nolashooda ku maarayn karaan.
Wasiirka Shaqadda,shaqaalaha & dhalinyarada dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Axmed ayaa dhankiisa booriyay haweenka xirfadaha qurxinta dumarka iyo harqaanka bartay wuxuna sheegay tani inay qayb ka tahay dadaalada ay haweenku ku heli karaan fursado shaqo.
Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay inay ka go’an tahay sidii loo dhiiri galin lahaa fursado kalena loogu raadin lahaa haweenka iyo dhalinyaradda ragga ah si ay uga maarmaan safaradda dalka looga cararayo.
Madaxa Hay’adda socdaalka aduunka ee IOM Xuseen Yoonis ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee haweenkan ay xirfadaha u barteen wuxuna ku tilmaamay inay dhankooda aysan ka hagran doonin taageero iyo garab istaag.
Yoosin ayaa sheegay dhowaan inay bilaabi doonaan sahan salka ku hayo sababta dhalisa dhalinyaradda inay dalka ka tahriibaan oo aysan dhulkooda ku nagaan,wuxuna sheegay arrintaasi inay muhiim tahay.
Dhaqaalaha mashruucaan ku baxaya ayaa waxaa ku deeqday hay’adda IOM waxana fulisay Daladda Y-PEER oo inta badan xooga saarta arrimaha xirfadaha iyo sidii dadka loogu tilmaami lahaa hababka loo shaqaysto.
Ugu danbayntii haweenkan ayaa la gudoonsiiyay qalab ka turjumaya xirfadaha ay barteen oo lagu doonayo inay ku shaqaystaan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe