Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdaan Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guud iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada Dalkan Japan kulan kula qaatay dhigiis dalkan Japan.
PreviewWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhigiisa dalkan Japan Mr Fumio Kishida ayaa ka wada-hadlay xiiriirka labadda Dowladdood iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dalka.
Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa yiri “Dowladda Japan in muddo ah ayey caawineysay Soomaaliya ha ahadeen arrimaha gar-gaarka iyo la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya,iyo waxaaannu ka wada hadalnay sidii aynu u xoojin lahaayeen tageeradda iyo qaabka ay uga qeyb-galayaan mashaariicda horumarinta dalkeenna” ayuu yiri Mudane Ducaale.
Ugu dambeyntii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Duceele ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jiro sidii xoojinta kalsoonida Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamka.
Xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda
Faafinta Puntlandpost.com