Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Jabuuti oo soo dhaweeyay isabadalka ka dhacay Puntland

$
0
0

Jabuuti(pp) Madaxwaynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyay isbadalka ka dhacay Puntland iyo doorashadii Dr.Cabdiwali Maxamed Gaas ka dib kulan maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee wadankaasi.

Madaxwayne Geelle ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay isbadalka siyaasadeed ee ay Puntland gashay wuxuna sheegay inuu sii xoojinayo wada shaqaynta iyo xiriirka kala dhaxeeya Puntland.

Gaas Vs GeelleHadalkaan ayuu Geelle ka sheegay kulan uu maanta madaxtooyadda kula qaatay madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo booqasho ku jooga Jabuuti.

Madaxwayne Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay dowladda Jabuuti inay ka mid tahay dowladdaha soo caawiyay Somaliya maadama wadanku uu wali ka jiro deganaasho la isku halayn karo.

Gaas ayaa labada maalmood ee soo socota kusii sugnaan doona magalada Jabuuti wuxuna samayn doonaa kulamo kala oo salka ku haya arrimaha Puntland.

Waa socdaalkii labaad uu Gaas dalka uga boxo,iyadoona safarka Jabuuti uu kusoo aadayo xili madaxwayne Gaas laga dhowrayay magalada Bosaso xarunta Gobalka Bari.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>