Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Hay,adda SFS oo 30 haween ah Garowe maanta lacag maalgalin ah ku gudoonsiisey (Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Tiro 30 ka mid ah haweenka barakacayaasha ee ku nool xeryaha kaamamka Garowe ku yaal ayaa maanta Hay,adda Somali Family Services oo kaashaneysa Hay,adda UNCHR iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland  gudoonsiisey lacago maal galin ah.

Haweenka Lacagta la gudoonsiiyey

Haweenka Lacagta la gudoonsiiyey

Hay,adda SFS ayaa gudoonsiisey qofkii-ba lacag dhan 300 oo dollar ,oo qeyb ka ah barnaamij uu dabo socdey mashruuca barakacayaasha oo wajigiisii kowaad 100 qof SFS ku bartey xirfado kala duwan , iyadoona uu wajiga labaad 70 haweenkaas ah loogu talo galey in ay ka faa,iideystaan sida uu sheegey madaxa barnaamijkan fulinayey

Bahiir Dheeliye iyo Madaxa UNCHR GaroweLacagt  maanta haweenka la gudoonsiiyey waxaa qorshaha loogu talo galey uu yahay sidii ay ugu bilaabi lahaayeen ganacsi yar yar oo ay noloshooda ku kaabaan, ugana faa,iideystaan xirfado la barey intii uu barnamijku socdey, gabo gabadiisana lacagtan lagu gudoonsiiyey.

Haweenka Lacagta la gudoonsiiyeyXaflad maanta loogu sameeyey haweenkan lacagta la gudoonsiinayey ayaa lagu qabtey Xarunta Librarayga Puntland Garowe, Waxaana kasoo qeyb galey masuuliyiinta Kaamamka, Howl wadeenada SFS iyo Saraakiil ka socotey UNCHR.

Bashiir Ibraaim Jaamac oo ah Madaxa Mashruucan ee SFS ayaa  sheegay in uu qayb ka yahay  barnaamijkani taakuleynta  Bulshada danyarta ah ,isagoona intaas raaciyey  in 70 haween ah loogu talo galay Lacagta la bixinayo 30-kii  ugu horeeyeyna maanta la siiyey , halka 40 kalena dhawaan sidan oo kale loo siin doono.

Bashiir Dheeliye waxa uu ku booriyey haweenka lacagta gudoomey in ay xil iska saaraan sidii ay noloshooda ugu dabakhi lahaayeen xirfadihii lasoo barey iyo taakuleynta la siiyey  “ Barnamijkan waxa uu  dabo socdaa tababaradii  aad soo qadateen ee ku saabsanaa sidii ganacsi u bilaabi lahaydeen iyadoo markii hore laga Caawiyey xirfada ganacsiga lagu bilaabi karo” ayuu yiri Mudane Bashiir dheeliye.

Mid ka mid ah haweenkii lacagta la siiyey oo ka mahadcelineysaFilfilo waa hooyo 60 jir ah waxaa ay dareenkeeda ka jeedisay munasabadda lacagta lagu gudoonsiiyey waxayna tiri “ Aniga 60 jir ayaan ahay hore wax uma baran,barnaamijkan waxaan ka helay cilmi ,waxaan si weyn u bartay xirfadaha Dhar tolidda(Tailor) iyo Kalaraynta dharka ,markii aan bartay xeelada shaqadda waxaan bilabay in aan ilmahayga u shaqaysto oo aan biilkooda usoo saaro,waxaan u mahadcelinayaa SFS,UNHCR iyo Dowladda Puntland oo ii sahlay helitaanka taakuleyntan”.

SFS IYO UNCHR Saraakiil ka socotaBarnaamijkan ayaa waxaa uu ka mid yahay mashaariicda Horumarineed ee ay bulshada u hayso hay,adda Somali Family Servces oo ah hay,adda wadaniya oo ka shaqeysa gudaha wadanka islamarkaana barnaamijyo horumarineed ka fulisey qeybo badan oo ka tirsan Puntland.

 

Puntlandpost, Xafiiska Magaalada Garoowe, Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>