Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

“Axmed Diiriye iyo kuwa la midka ah maxaa Jubbaland ka galay, muu ka hadlo deegaanka uu kasoo jeedo ee Cadaado“. Maxamed Saciid

$
0
0

Anigoo ah dadka deegaan ahaan ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka, gaar ahaan magaalada Kismaayo ayaan waxaan la yaabanahay hadal kasoo yeeray Axmed Diiriye oo sheegta inuu ka mid yahay Odayaasha Beesha Hawiye , isagoo ka halaya arrimaha Jubbooyinka.

Ninkani waa nin kasoo jeeda deegaanka Cadaado , hadana deegaanka Muqdusho soo galay sanadihii u danbeeyey ee inta uu bur burku dhicin, isla markaana ka fuliyey guddaha magaalada Muqdisho falal gabood fal ah oo taariikhda galay.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

Sikastaba, aniga Waxaan ka mid ahay dadka sida fiican u yaqaan ama taariikhdiisa dib u baaray Axmed Diiriye iyo raga la midka ah ee ka hadla arrimha Jubbooyinka , waxaan kaloo ogahay in ninkan ku hadla magaca Odayaasha Beesha Hawiye uu ka mid yahay Koox magacan iska samaystay kuna qaraabta , laakiin aan ahayn dhaqan ahaan niman matala Beeshaasi, wuxuu kaloo caadaystay Inuu had iyo jeer ka hadlo deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo si gaar ah uga hadlaya dadka deegaanka gaar ahaan Raaskaanbooniyinta, isagoo sheegaya in Raaskaanbooni oo ka mi ah dadka deegaanka inuu ku sheego inay dowlada Kenya ay ugacan gelinayaan Jubbooyinka, hadalkaas oo ah mid uu ku riyooday ama dhaqan ahaan uu ugu caan baxay inuusan ka xishoon wax dadka Soomaaliyeed ay ka xishoodaan.

Axmed Diiriye wuxuu kasoo jeeda deegaanka Cadaado , weliba isagoo Jaahil ah ayuu soo galay magaalada Muqdisho waqti aan ka fogeyn sida la ii sheegay 1985-tii, wuxuuna isku haystaa nin reer Muqdisho ah , waxaan kaloo ogahay in waqtiyadii ay dagaalada dhaceen inuu qabsaday deegaanka Shiirkole iyo  dhammaan guryihii ku yaalay kana ijaari jiray dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda Beelahiisa, waxaa kaloo xusid mudan in Axmed Diiriye Guriga uu deganaa 1991-dii 2005-tii uu ahaa guriga uu ku dilay ninkii lahaa oo ka soo jeeda Beesha Daarood,Majeerteen,  nin noocaas ah oo noloshaas ku noolaa ayaa had iyo habeen  ka hadlaya Deegaanka Jubbooyinka iyo arrimaha Waamo.

Waxaan ku waaninaynayaa Axmed Diiriye iyo kuwa la midka ah inaan banaanka keeni doono Ceebaha Foosha xun ee ay Lugaha la galeen  , haddii ay ka waan toobi waayaan beenta iyo nacaybka ay u qabaan dada deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Waa nasiib Xumo,  nin Xaaraan ku naaxay inuu had iyo jeer ku hadlo arrimaha dadka u dhashay Jubbooyinka oo Xalaal quutayaal oo aan ku soo duulin dad soomaaliyeed isla markaana aan bililiqaysan habtidooda , sida ay sameeyeen Axmed Diiriye iyo kuwii la siyaasada ahaa, Teeda kale Ninka,  Nin soomaali ah intuu uu Gurigiisa ku dilay , hadana degay kun noolaa sanado badan , haddana inuu ka hadlo dad Soomaaliyeed oo Xalaal quutayaal ah deegaankooda oo arrimahooda ka tashaday ma is qaadi karaa?

Waxaan kusoo gunaanudayaa , kula talinayaa Axmed Diiriye inuu illaahay uga toobad keeno Dhacii iyo dilkii uu kula kacay ninkii uu Gurigiisa ku dilay , isla markaana uu ka waantoobo  arrimaha foosha xun ee uu caadaystay, waxaan kaloo kula talinayaa inuu deegaanka uu ka soo jeeda iyo Danahooda uu ka shaqeeyo , nin walba oo Soomaaliyeed gurigiisa ayuu Ranjiyeysanayaa , kaddibna dayrkiisa xaaqanayaa kaddibna ku raacaysanayaa, saas baana Soomalli isugu imaanaysaa..

Axmed Diiriyow, Soomaalidii aad kala firdhisay baad weli daba taagan tahay oo kasoo horjeedaa  inay isu yimaadaan , isla markaana ay ka tashadaan Aayahooda , taas lagaama yeelin, ee ku dadaal Cadaado iyo inaad maamul u samaysataan isla markaana raadso gobolo kale oo aad ku biirto ileyn la iskama yeelayee 1 degmo iyo wax la mid ah.

 

Maxamed Saciid

Daabacaadda: Puntlandpost.com

NB; Puntlandpost, masuul kama ah , rayiga Akhristeyaasha ku xiran Puntlandpost

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles