Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gudoomiyaha Degmada Goldogab oo sheegay in Mad Madow uu ka dhex jrio Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada.

$
0
0

Garoowe (PP) Gudoomiyaha Degmada Goldogab ee Gobolka Mudug Cabdulahi Ismacil Kayton ayaa isagoo ku sugan Magaalada Garoowe caasimada Puntland ka warbixyey xaalada Degmadaas ay haatan ku sugantahay.

 
Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu garoowe ujoog sidii uu ula kulmi lahaa Dhatiirkiisa oo uu ula soconlahaa xaaaladiisa caafimaad wuxuu sheegay in xaaalada degmada ay tahay mid wanaagsan dhanka Amaan dilkii Taliyah Booliska degmadaas kadib.

 
Cabdulahi Ismacil Kayton ayaa dhankale ka hadlay Sidii loo qaybsaday deeq ka timid dalka Turkiga oo dhowaan laga qabiyey guud ahaan Puntland wuxuu sheegay in degmada Goldogab in si fiicaan looga qaybiyey.

 
Xiriirka ka dhexeeyeya Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada  Goldogab ayuu sheegay in uuyahay mid aan wanaagsayn islamaraasna uu Xukuumada kala hadlayo gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha.

______

Xafiiska Wararka Garoowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>