Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland oo sheegay inay ka qayb galayaan dagaalka Alshabab dalka looga sifaynayo Dhagayso

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa sheegay inay qayb qaadanayaan inta awoodooda ah sidii guud ahaanba wadanka looga sifayn lahaa kooxda Alshabab oo mudo badan ka dagalamayay koonfurta iyo bartamaha Somalia.

DrgaasDr.Gaas oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa waraysi uu siiyay VOA ku sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa maslaxadaha umadda Soomaaliyeed oo mudo ka badan 20 sano ku jiray dagaalo iyo colaad dabo dheeraatay wuxuna tilmaamay madaxda DF inay ka wada hadli doonaan sidii xal waara dalka loogu raadin lahaa.

Arrimaha la isku hayo ayaa ka mid ah wax ka badalka dastuurka KMG ah ee dalka iyo nidaamka federaalka oo aan wali si sax ah loo abaarin iyadoona madaxda Muqdisho lagu eedeeyay inaysan si cadaalad ah u mamulin deeqaha beesha caalamka kasoo baxa.

Arrinta kale ee uu madaxwaynaha ka hadlay ayaa ah muranka ka dhex taagan Gobalka Sool oo ay kala sheeganayaan Puntland iyo Somaliland taasoo dhalisay in Gobalku uu wali si hufan u gaarin addeegyadda bulshada.

Waxa uu Gaas cadeeyay inay ogal yihiin shacabka halkaasi degan meesha ay doonayaan iyo mustaqbalkooda danbe.

Hadalka madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili si wayn dadka Puntland u sugayaan go’aanka ugu danbeeya ee Gobalka Sool laga gaarayo walow uu Gaas doorashada ku galay inuu dagaal Laascaanood kusoo celin doono.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>