Garowe(pp) Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland oo socdaal ku maraya qaar ka mid ah tuulooyinka ku yaala koonfurta magalada Garowe ayaa maanta xariga ka jiray dugsi sare oo ay yeelatay Tuulada Jalam.
Cali Xaaji Warsame oo xarig jarka iskuulka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii loo hormarin lahaa waxbarashada Puntland isla markasna loogu samayn lahaa dib u habayn hufan.
Wasiirka socdaalkiisa waxaa ku wehelaya ku simaha Agaasimaha guud ee wasaradda waxbarashada iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaradda.
Meelaha kale ay wafdigaan tageen waxaa ka mid ah Tuulada Kalabayr iyo degmada Burtinle waxaynka dadkii ay la kulmeen ka codsadeen in waxbarashada la tayeeyo oo iskuulo loo dhiso tuulooyinka magalooyinka Puntland.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay in la kordhiyay miisaaniyadda waxbarashada taasoo kaliftay bahda waxbarashada inay soo dhaweeyaan.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha sida aadka ah loogu ammaano waxbarashada.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe