Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud oo maanta booqday dhaawacii askarta ku soo dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay Bule Burte ayaa ammaanay askarta kuna dhiiri geliyey geesinimadooda iyo dhiiranaantooda.
Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaad afka hore ka tihiin dagaal aan kula jirnocadowga shacabka Soomaaliyeed, ee diidan nabadda iyo horumarka dalka. Waxaadna u hurteen naftiina qaaliga ah. Waxaan idiinkaga mahadcelinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiirinaanta oo Qaranku ku dhisanyahay. Nafta aad hurteen waa mid dalku iyo diintaba u soo hoyey guulo isdaba joog ah, argagaxisadana waan ka saareynaa dalka oo dhan. Waxaana EEBBE idinkaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u kabsataan.”
Ciidanka Soomaaliyeed iyo Kuwa Djibouti ee AMISOM ayaa la keenay Muqdisho ka dib dhaawacyo ka soo gaaray qaraxii xalay ay Al-Shabaab ka geysteen Bula Burde.
Madaxweynahu sidoo kale waxuu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii askartii ku geeriyootay qaraxaas ay arxan laawayaashu u geysteen ciidamada.
“Howlgalada ciidanku si wanaagsan bey u bilowdeen una socdaan, kooxda Al-Shabaab na waa laga wada saari doonaa dalka oo dhan. Hase ahaatee, bacdamaa aan ka guuleysaneyno nabad-diidka waxey isku dayayaan falal argagaxiso oo ay shacabka waxeyeelo ugu geysanayaan oo naaga wada baahan adkeysi midnimo iyo wadajir. Shakina iigama jiro ciidankeena geesiyaasha ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan oo kooxahan laga guuleysanayo.”
Xafiiska Madaxwaynaha Somalia.
Faafinta Puntlandpost