Beledweyne(pp) Kooxda Alshabab ayaa weerar kala duwan xalay saqdii dhexe kusoo qaaday hotal Camalow oo ay degenaayeen masuuliyiin DF iyo AMISOM ka tirsan waxana ku dhintay weerarkaas dad ka badan toban.
Afhayeenka ciidanka AMSIOM ee Somalia Col.Cali Xaamud ayaa VOA u sheegay saddex Askari oo ka tirsan ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo saddex kale oo ciidanka DF ah inay ku dhinteen weerarkaasi Hotelka lagu soo qaaday.
Magalada Buulobarde ayaa ka mid ah meelaha kooxda Alshabab gacanta looga dhigay waxana ka socda howlgalo kala duwan oo ammaanka lagu adkaynayo.
Saraakiisha la yaqaan ee ku dhintay weerarkaasi ayaa waxaa ka mid ah Abaanduulihii ciidanka DF ee gobalka Hiiraan Col,Maxamed Aamin Nuur waxana sidoo kale dadkii ku dhaawacmay loola cararay magalada Muqdisho.
Isgaarsiinta Buulobarde ayaa la sheegayaa in hawada laga saaray,iyadoona maanta sidoo kale la hakiyay duulimaadkii magalada Baledweyne.
Puntlandpost.com
Xafiiska Beledweyne