Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali Gaas ayaa galabta si qarsoodi ah waxa uu ku tagay xabsi ku yaala kaantaroolka koonfureed ee magalada Garowe iyo xabsiga Garowe halkaasi oo dad kala duwani ku xiran yihiin.
Madaxwayne Gaas ayaa la kulmay dad kala duwan intii uu socdalka ku jiray wuxuna indhihiisa kusoo arkay marxalado kala duwan oo ay xitaa qaarkood aad u adag tahay in lagu daawado.
Socdaalkan oo ah mid aysan warbaahintu xog badan ka hayn iyo saraakiisha madaxtooyadda ayaa la sheegay inuu ahaa mid kasoo go’ay madaxwaynaha Puntland wuxuna arkay dhibaatooyin kala duwan oo ka jira xabsiga ku yaala Kaantaroolka Koonfureed ee magalada Garowe iyadoona la sheegayo Gaas inuu kula xisaab tami doono cida masuulka ka ah xaruntaasi.
Arrintaan ayaa keeni karta in masuuliyiin badani ay xilalkooda ku waayaan maadama uu Dr.Gaas sheegay inuu la imaan doono is-badal dadka ku nool Puntland ay ku wada qancaan.
Lama yaqaan go’aanka uu qaadanayo madaxwaynaha Puntland hase yeeshee waa socdaalkii ugu horeeyay uu Gaas Xabsiga Kaantaroolka ku tago iyadoo aan la ogayn sida wax looga qaban karo.
Madaxwaynihii ka horeeyay Gaas ee Cabdiraxmaan Farole ayaa socdaalo kan la mid ah ku tagi jiray xarumaha dowladda.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe