Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

RW. hore ee Somalia oo si diirran loogu soo dhaweeyay Wadanka Finland (Sawirro)

$
0
0

Wadanka Finland ayaa waxaa soo gaaray maalinimadii Arbacada aheyd 13.03.2014  wefdi ka koobnaa siyaasiyiin soomaaliyeed oo ka soo kicitamay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

jannagaleWefdigan ayaa kala ahaa Ra-isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cumar C/Rashiid Cali Sharmaarke, Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga, ahna iminka xubin kamid ah baar-lamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi iyo C/Risaaq Jaamac Fara-taag oo ah aqoon-yahan ka soo shaqeeyay Wasaaradii Maaliyadda ee dowladii Cumar C/Rashiid.

Wefdiga ayaa garoonka Helsinki – Vantaa Airport uga hor-tagay dadweyne  Soomaaliyeed oo lulayay calanka Soomaaliya.  Dadweynihii soo dhaweeyay wefdiga ayaa ahaa kuwo aad ugu faraxsanaa inay arkaan xubnaha wefdigan oo aheyd markii ugu horeysay ee ay soo booqdeen wadanka Finland.

Wefdiga ayaa waxaa ku soo biiray marwo Caasha ”Gees-diir” oo aheyd haweenay ka soo shaqeysay Wasaaradda Arrimaha Haweenka Soomaaliya. Marwo Caasha ayaa ka timid wadanka Sweden.

Wefdiga ayaa la kulmay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga ah, Baarlamaanka wadanka Finland iyo ururada aan dowliga aheyn ee mashruucyada iyo maal-gashiga ka wada  wadanka Soomaaliya.

Wefdiga ayaa labo mar la kulmay Wasiirka Is-kaashiga Caalamiga ah ee wadanka Finland mudane Pekka Haavisto, kaas oo horey mudo dheer u ahaa u qaabilsanaha Arrimaha Barriga Africa ee dowlada Finland.

Wefdiga ayaa u sharaxay wasiirka xaalada guud ee wadanka Soomaaliya, gaar ahaan xaalada amaanka ee dalka uu ku sugan yahay. Waxyaabaha kale ee wefdiga iyo wasiirka ay ka wada hadleen ayaa waxaa kamid ahaa sidii loo taageeri lahaa, isla markaana loo dhiiri-gelin lahaa maamul goboleedyada ka dhismay iyo kuwa iminka ka dhismaya wadanka Soomaaliya oo masuuliyiinta wefdigu ay qeexeen in xalka kaliya ee Soomaaliya nabad iyo xasilooni loogu soo celin karo uu yahay dowlad federaal ah oo si buuxda looga hir-geliyo  wadanka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay wefdigu la kulmeen madaxa waaxda baar-lamaanka Finland u qaabilsan arrimaha dibada mudane  Timmo Soini, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Perussuomalainen Puolue (Basic Finnsh Party).

Mudane Timmo Soini iyo wefdiga ayaa ka wada hadlay arrimo kamid yihiin xuquuqul insaanka iyo mashruucyada bani-aadanimada ee dowladda Finland ay ka fuliso wadamada Africa, gaar ahaan wadanka Soomaaliya.

Wefdiga ayaa sidoo kale la kulmay hey`adaha iyo ururada aan dowliga aheyn ee mashruucyada iyo maal-gashiga ka fuliya wadamada barriga Africa oo ay Soomaaliya kamid tahay. Siyaasiyiintan ayaa ururada u sharxay kheyraadka wadanka Soomaaliya uu leeyahay iyo fursadaha maal-gashi ee ka jira Soomaaliya.

Wefdiga ayaa ururadan u sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan qani ah xagga kaluumeysiga, xoolaha nool iyo kheyraadka beeraha.

Kullamadii dhex-maray wefdiga iyo hey`adaha dowladda iyo ururada aan dowliga aheyn ee wadanka Finland ayaa ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is-afgarad. Masuuliyiinta dowladda Finland oo runtii aad ugu qushuucay aqoonta durugsan ee masuuliyiinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin arrimaha Soomaaliya, ayaa codsaday wada-shaqeyn iyo xiriir sii socda mustaqbalka oo ay la yeeshaan xubnaha wefdiga.

Wefdiga ayaa sidoo kale la kulmay jaaliyaddaha Jubbaland Community iyo Puntland Community ee wadanka Finland.

Booqashada wefdiga , oo aheyd casuumaad jaaliyadda Jubbaland ee wadanka Finland ay u fidisay masuuliyiintan, ayaa runtii u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Wefdigan oo joogay wadanka Finland mudo afar maalmood ah, ayaa subaxnimadii Isniinta aheyd dib ugu laabtay wadanka Kenya.

puntland dinner omar hilton NGO's jannagale Haavisto gaandhi

By:   Jaaliyadda Jubbaland Ee Wadanka Finland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>