Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaalkacyo oo ka tashanaysa helitaanka Golle deegaan (Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Wasaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa waxay jawaab ka sugaysaa mamulka magalada Gaalkacyo iyo shacabkooda taasoo ku aadan inay kasoo tashadaan qaabkii loosoo xuli lahaa cida kam id noqonaysa gollaha deegaanka Gaalkacyo oo sanooyinkii lasoo dhaafay aan wax golle ah lahayn.

Kulan arrintaasi looga ku saabsan ayay mamulka Mudug kan Gaalkacyo iyo shacabku wada qaateen waxana diirradda lagu saray in la iska kaashado sidii golle loo heli lahaa si looga faa’iidaysto qarashaadka Gaalkacyo loo hayo oo wali xaniman golle deegaan la’aan darteed.

Maayarka magalada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Gaalkacyo ay golle deegaan hesho si hormarka iyo amniga loo wada adkeeyo wuxuna shacabka u sheegay inay arintaasi ka qayb qaataan.

Xaafadaha Israac,Hormar iyo Garsoon ayaa dadka ku nool waxaa looga fadhiyaa inay dareenkooda dhismaha gollaha deegaanka ka dhiibtaan maadama ay madaxda wasaradda arrimaha gudaha ay jawaab hufan ka sugayso.

Gaalkacyo ayaa mudo saddex sano ah la hayn wax golle deegaan oo shaqeeya waxana lagu rajo wayn yahay soo xulitaanka xildhibaanada cusub ee gollaha ka mid noqonaya in lagu guulaysto iyadoo mamulka uu arrintaasi kala kaashanayo dadwaynaha.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles