Garowe(pp) Guddiga qaabilsan dhismaha buundada Midigar,Libaaxo iyo Wadada Falaryaale ayaa maanta kula shiray hoolka wasaradda qorshaynta hay’addaha caalamiga ah ee gudaha Puntland ka shaqeeya.
Waxaa kasoo qayb galay wasiiradda.Deegaanka,Qorshaynta,guddiga arrintaan qaabilsan iyo masuuliyiin ka socda hay’addaha caalamiga ah,muhiimada shirka ayaa xanbaarsan sidii hay’addaha loogu soo bandhigi lahaa halka ay marayso howsha lagu dhisayo buundada iyo ka qayb qaadashadeeda.
Ganacsade Jaamac Dhagadheere oo guddiga ku jira ayaa sheegay hay’addaha Puntland ku sugan in looga baahan yahay inay baxshaan 250 kun oo doolarn oo marka dhinaca kale loo dhiganaya gaaraysa 25% wuxuna tilmaamay inta kale inay ku mashquulsan yihiin shacabka Puntland iyo madaxdooda.
Gudoomiyaha Hay’adda Jiddka Puntland Maxamuud Cabdinuur ayaa dhankiisa sheegay inay codsiga ay hay’addaha u direen ay ka sugayaan hal asbuuc maadama howsha la rabo in sida ugu muhiimsan loo qabto.
Guddiga ayaa tilmaamay qof kasta oo Puntland ku nool in laga doonayo inay ka qayb qaataan sidii meelahaasi loo dhisi lahaa maadama ay ka mid yihiin goobaha sida aadka ah ugu xiran isku socodka gaadiidka gobaladda Dalka.
Dhaqaalaha ku baxaysa meelahaasi ayaa lagu sheegay inay ku dhow dahay hal Malyan oo doolarn,waxayna umadda Soomaaliyeed ay dhexda u xirteen caawinta qoysaskii duufaanta ku cayroobay.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe