Garowe(pp) Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole oo mudooyinkii ugu danbeeyay safaro ku marayay dalalka dariska la ah Soomaaliya ayaa maalinkii shalay gaaray magalada Addis ababa ee xarunta Itoobiya.
Socdaalkiisa Itoobiya Mudane Farole waxaa ku weheliya wasiirkii hore ee Amniga mudane Khaliif Ciise Mudane wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Cabdi Ibraahim Warsane (Qowdhan) iyo masuuliyiin kale.
Mudane Farole ayaa kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Wadanka Itoobiya Tedros Adhanom kaasoo salka ku hayay in Farole looga mahad celiyay sidii ay dowladiisa guul uga gaartay in wadanka laga saaro marxalada KMG-ka loona gudbo federaal.
Cabdiraxman Farole ayaa mahad celinta wasiirka arrimaha dibadda Tedros Adhanom ka gudoomay wuxuna shegay dowladda Itoobiya inay ka mid tahay dowladdaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya oo garab istaagtay sidii Alshabab dalka looga xorayn lahaa.
Xaquuqda Sawiradda Ilaali
Puntlandpost.com