Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Daawo sawirradii Socdaalkii uu madaxwaynaha Puntland ku tagay Rako-raaxo

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dhowaan bilaabay safaro iyo  kormeero uu ku tagayo deegaanada Puntland ayaa gaaray deegaanka Rakko-Raaxo oo ka tirsan G/karkaar , waxaana deegankaasi uu 85-km dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay degmada Qardho ee xarunta Gobolkaasi.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Rakko , waxaana uu Madaxweyne Gaas bartamaha magaaladaasi kala hadlay dadweyne aad u fara badan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa shacabka Rakko uga mahad naqay sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuu kaloo u sheegay in xukuumaddiisu ay ka tagayso deegaanada Fog ee Puntland si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku nool bulshada ka baxsan deegaanada ku teedsan wadada laamiga ah.

” Ma aha in lagu koobnaado oo kaliya deegaanada saaran wadada laamig ah,taasi waa caddaalad darro , laakiin waa in la tagaa dhulka fog ee rafka ku yaalla, safarkii ugu horreeyey ee aan ku tagayo deegaanada lamiga ka baxsan idinka aya nasiib u yeeshay, insha allaahuna isbedelkii aanu ballan qaadnay waad naga arki doontaan”
ayuu yiri Madaxweynaha Gaas.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas intii uu joogay deeganka Rakko, wuxuu kormeeray meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hospitalka,Dugsiga Hoose/Dhexe,Saldhiga Ciidanka,Ceelka Biyaha iyo meelo kale.

Madaxweyne Gaas wuxuu bulshada Rakko u balan qaaday inuu mushaharkiisa ka bixin doono kharashka lagu dhisayo dhismayaal lagu kordhin doono Dugsiga Hoose/Dhexe ee Rakko, sidoo kalena uu dadaal dheer u galayo in degmadu ay hesho ceel biyood casri ah oo dadka iyo xooluhuba cabbi doonaan.

Aqalka martida ee degmada Rakko waxaa ka qabsoomay kulan waqti dheer qaatay, kaasi oo ay isku waraysteen qaybaha kala duwan ee Bulshada Rakko iyo wafdiga madaxweyne Gaas hogaaminyay, waxaana si qotta dheer looga arrinsaday sidii shacabka Rakko ay uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta Ammaanka,Hormarinta Deeganka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas manta galinkii danbe waxay dib ugu laabteen magaalada Qardho, halkaasi oo ay xiligan gaareen, waxaana la fialayaa inuu safaro  dheeraad ah ku tago meelo kale oo Puntland ka mid ah.

IMG_0723

IMG_0726_1 IMG_0727 IMG_0728 IMG_0730 IMG_0736 IMG_0740 IMG_0744 IMG_0752 IMG_0754 IMG_0757 IMG_0761_1 IMG_0768 IMG_0774 IMG_0779 IMG_0781 IMG_0782 IMG_0788 IMG_0798_1 IMG_0799 IMG_0803 IMG_0807_1 IMG_0810_1 IMG_0822_1 IMG_0824 IMG_0828 IMG_0830_1 IMG_0839 IMG_0847 IMG_0851 IMG_0851_2 IMG_0864_1 IMG_0869 IMG_0873 IMG_0873_2 IMG_0875 IMG_0876_1 IMG_0881 IMG_0882 IMG_0888_1 IMG_0893 IMG_0897 IMG_0901 IMG_0917 IMG_0928 IMG_0941 IMG_0950 IMG_0996 IMG_1003 IMG_1007 IMG_1010 IMG_1052 IMG_1065 IMG_1069 IMG_1077 IMG_1086 IMG_1086_1 IMG_1091 IMG_1117

-
-DHAMAAD–


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles