Boosaso: (PP)_ Agaasimaha hay,adda wadooyinka puntland maxamuud cabdinuur aadan ayaa manta waxa kullan kulaqaatay gudaha magaalada Boosaaso qaar kamid ah ganacsatada waawayn ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari .
Kulan kaani oo kadhacay xarunta rugta ganacsiga iyo warshadah Puntland ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta sar sare ee rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland iyo waliba qaar kamid ah ganacsatada waawayn ee Gobolka Bari .
Ujeedka kulankaani manta ay yeeshaen ganacsatada gobolka Bari iyo agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland waxa sharaxaad kabixiyay gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland Maxamed Caydiid waxana uu sheegay in kulankaani uu yahay mid ay hay,adu kudoonayso in bulshadeeda ay u adeegto gacan saarna layeelato ganacsatada reer Puntland .
‘’In talo wadaag layahay oo aysan hay,addu noqon mid aan bulshadeeda iyo waliba ganacsatadeedaba aan kawar hayn dhibaha imaanaya iyo waliba horumarka imaanaya ay kawada tashadaan hanoqoto ganacsatada injineerada iyo cid kasta oo ay arimahaan khuseeyan’’Sidaasi waxa yiri gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland Maxamed Caydiid.
Agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland Maxamed Cabdinuur Aadan oo isna kulankaasi kahadlay ayaa sheegay in hay,addan isbadal wayn lagu sameeyay waxana uu sheegay in loo sameeyay hogaan cusub, isagoona intaasi raaciyay in hogaanka cusub ee loo sameeyay hay,adda ay horyaalin qorshayaal farabadan qaybna ay katahay in ladhiso boorka hay,adaasi .
‘’Boorkaasi waxa ay ka imaanyaan ganacsatada,injineerada xirfadlayaasha dad noocas oo kale ah ayay ka imaanayaan,runtii intaan xafiiskaan aan imi qaylo dhaamada ugu badan waxa ay ka imaanayaan bur burka xooga leh ee kuyimi buundooyinka iyo laamiga bur burka lixaadka leh ee kamuuqda kuwa wax kaqban karana waa idinka oo ah ganacsatada ,,Sidaasi waxa yiri Agaasimaha hay,adda wadooyinka puntland maxamuud cabdinuur aadan.
Waxa sidookale uu agaasimuhu sheegay in hay,adda wadooyinka puntland ay ubaahantahay kutaageerida dhismooyinka lagu wado wadooyinka bur buray sida wadada xiririsa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe oo uu sheegay inta jidka kusoo jireen in ay ku arkeen arin aad looga naxo oo ah in bur bur xoogleh uu kamuuqdo wadadaasi.
Qaar kamid ah ganacsatadii kulankaasi kasoo qayb galay ayaa iyaguna waxa ay madasha kasheegen in ay ka go,antahay lashaqaynta hay,adda wadooyinka puntland waxana ay umahadceliyeen agaasimaha cusub ee hay,adda wadooyinka waxana ay kula dar daarmeen in uu noqdo mid dantiisa kahormariyo danta shacabka uu u adeegayo .
Agaasimaha hay,adda wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa maalmihii ugu dambaysay waxa uu kulamo gooni gooni ah laqaadanayay masuuliyiinta maamulka Boosaaso,Masuuliyiinta rugta ganacsiga iyo warshadaha puntland iyo waliba qaybaha kala duwan ee bulshada waxana uu kala hadlayay sidii loo dar dar galin lahaa dayactirka wadooyinka isku xira magaalooyinka boosaaso iyo waliba Garoowe .
PuntlandPost_Boosaaso