Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jawaari oo sheegay dhibaatada dalka ka jirta inay sabab u tahay jahliga iyo aqoon la’aanta (sawirro)

$
0
0

Muqdisho(pp) Ku simaha madaxwaynaha DF ahna afhayeenka baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta Shahaadooyin gudoonsiiyey arday ka qalin jebisay Jaamacadda Hobe University ayadoo Ardaydaasina ay ka mid aheyd Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha.

IMG_4973

Munaasabadda ay ku qalin jebinayeen Ardaydan oo tiradoodu gaareysay 138 Arday oo heerka Waxbarashadoodu kala aheyd Master iyo Degree ayaa waxaa lagu qabtay hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho waxaana ku simaha Madaxweynaha Dalka ku wehliyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad Wasiirrada Tacliinta Sare iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka DF Jawaari oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey Ardayda maanta qalin jebisay sida ay uga dhabeeyeen ka miradhalinta dadaalkooda Waxbarasho waxaana uu si gaar ah ugu Hambaleeyey Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid aheyd Ardayda maanta qalin jebisay.

Jawaarii oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Muhiimadda Waxbarashadu ay leedahay isaga oo tilmaamay in dhibaatada Dalka ka jirta uu sabab u yahay Jahliga,hadiise la saramariyo heerka Waxbarashada laga gudbi doono dhibaatooyinka jira waxaana uu ugu dambeyntii ku dhiirageliyey Ardayda Soomaaliyeed iney sii wadaan dadaalkooda dhanka Waxbarashada, Ardayda qalin jebisayna waxa uu ku dhiirageliyey iney dalkooda,dadkooda iyo diintooda ugu adeegaan aqoonta uu Alle siiyey.

Gebagebadii Munaasabadda ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa uu Shahaadooyin gudoonsiiyey ardayda qalin jebintoodu ay aheyd heerka Masterka iyo Ardayda kaalmaha hore galay.

IMG_5026 IMG_5020 IMG_5007 IMG_5001 IMG_5018 IMG_4986 IMG_4978 IMG_4954 IMG_4950 IMG_4909 IMG_4889 IMG_4887 IMG_4880 IMG_4841 IMG_4846 IMG_4850 IMG_4839 IMG_4835 IMG_4818 IMG_4829 IMG_4817 IMG_4794

Xafiiska Jawaari ee Muqdisho.
Faafinta Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>