Garowe(pp) Wararka laga helayo Gobalka Sanaag ee Puntland ayaa sheegaya ciidamo ka socda mamulka Somaliland inay soo gaareen duleedka magalada Baran ee Gobalka Sanaag gaar ahaan meesha la yiraahdo Carmo.
Wasiirka wasaradda warfaafinta dowladda Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle Indhoguran oo la hadlayay VOA ayaa sheegay ciidamo faro badan inuu mamulka Somaliland soo dhoobay deegaan hoos yimaada magalada Baran wuxuna sheegay Puntland inay ilaalisay wada noolashaha iyo deganaasha balse arrinta Somaliland ay tahay mid aan loo adkaysan karin.
Dowladda Puntland ayaa horay uga hadashay socdaal uu madaxwaynaha Somaliland ee Siilaanyo uu todobaadkii hore ku tagay magalada Laasqoray oo ka tirsan Gobalka Sanaag,waxayna xukumaddu ku tilmaamtay daandaansi dagaal iyo dhul balaarsi.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe