Baydhabo(pp) Waxaa maanta mar labaad uu banaanbax rabshado wata uu ka dhacay magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay,ka dib markii maalinkii shalay ay halkaasi soo gaareen wafdi xildhibaano ah oo ka socda dowladda Muqdisho.
Macnaha banaanbaxan ayaa salka ku haya diidmo uu mamulka lixda gobal ee koonfur Soomaaliya ka muujiyay mamul kale oo ka garab socda kaasoo lagu wado maalmaha soo socda in lagu dhawaaqo.
Wafdiga dowladda ka socda waxaa hoggaaminayo Xildhibaan Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ahaa gudoomiyaha baarlamaankii hore waxayna dadku diidan yihiin Socdaalka Shariif Xasan iyo mamulka kale ee Baydhabo lagu dhisayo.
Dadka banaanbaxa sameeyay ayaa rabshado ka dhigay goobo ganacsi iyadoona la sheegayo in la hakiyay shirkii mamulka saddexda gobal lagu dhisayay iyo waliba isku socodka gaadiidka maadama ay magaladu buuq iyo kacsanaani ay ka jirto.
Masuul mamulka Madoobe Nuunow ka tirsan ayaa sheegay inaysan raali ka ahayn mamulkaan dowladdu Somalia ay taageersan tahay,wuxuna sheegay inuu yahay mamulkooda kan sharciga ah.
Diid-mada ay shacabka Baydhabo u muujiyeen Shariif Xasan Shiikh Aadan wali kama uusan hadlin wararka kasoo baxaya socdaalkooda ayaa la sheegayaa inuu yahay sidii ay u dadajin lahaayeen dhismaha mamulka saddexda gobal ee Koonfur Galbeed.
Ammaanka wafdiga DF ayaa si wayn loo adkeeyay waxayna ku sugan yihiin xarunta AMISOM ee Baydhabo,maadama looga cabsi qabo inay dhibaato shacabka ay gaarsiiyan.
Bishii hore ayay ahayd markii magalada Baydhabo looga dhawaaqay madaxwaynaha mamulka lixda gobal ee Koonfur Galbeed waxana hoggaaminaya Madoobe Nuunow Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaankii hore.
Inkastoo mamulka Madoobe beesha caalamka iyo DF ay diideen hadana lama oga halka uu saldhigan doono siyaasada is diidan ee Baydhabo ka socota.
Puntlandpost.com