Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shacabka Baydhabo oo wali ku mudaharaadsan Xildhibaan Shariif Xasan iyo mamul looga dhawaaqay Afgooye (Warbixin)

$
0
0

Baydhabo(pp) Magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay maalintii saddaxaad waxaa ka socda banaanbax looga soo horjeeda wafdi uu hoggaaminayo afhayeenkii hore ee baarlamaanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ku sugan magalada Baydhabo.

baydhabo1324Dadka ayaa dhigay banaanbaxyo rabshado wata maalmihii lasoo dhaafay kii maanta dhacay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay balse waxay guud ahaan saamayn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Wafdiga uu hoggaaminayo Shariif Xasan ayaa u jooga magalada Baydhabo sidii loo dhamaystiri lahaa mamul saddex gobal ka kooban oo maalmahan laga waday magalada.

Baydhabo ayaa sidoo kale lagu dhisay mamul lix gobal ka kooban oo kan kasoo horjeeda iyadoona dadka banaanbaxayay ay diidan yihiin mamulka uu riixayo Shariif Xasan waxayna taageersan yihiin kan Madoobe Nuunow oo lix gobal ka kooban.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia Nichalos Kay ayaa ku baaqay dhinacyadda isku haya Baydhabo inay arrintooda ku dhameeyeen qaab wada hadal oo aan lagu dhamayn dagaal iyo dhibaato hor leh oo halkaasi ka dhacda.

Isla maanta magalada Afgooye oo ka tirsan Gobalka Shabeelladda hoose waxaa lagu dhaarshay madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen uu yeeshay labadda Gobal ee Shabeellooyinka,iyadoona ay iska hor imaanayaan mamuladaan looga dhawaaqay Afgooye iyo Baydhabo.

Madaxda DFS wali kama aysan hadlin mamulkan cusub ee Afgooye looga dhawaaqay lama yaqaan sida ay xaaladu noqon doonto maadama ay arrimahaan ka hor imaanayaan nidaamka federaalka iyo dastuurkii horay loogu heshiiyay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>