Eyl: (pp)- Kulan lagu lagu falanqaynayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & wada shaqaynta bulshada deegaanka iyo Ciidamada amaanka Eyl, ayaa lagu qabtey xarunta maamulka degmadaasi.waxana kasoo qeyb galey Maamulka,Booliiska, Haweenka, Odayasha dhaqanka, Dhalinyarada, Macalimiinta, bahdaCaafimaadka & Ganacsatada.
Kulanka oo ahaa mid ay soo agaasintey Hay,adda Maxaliga ah ee Somali Family Services (SFS) oo kaashanaysa hay,adda ay wada shaqaynta leeyihiin ee DIAKONIA,ayaa lagu wadaa in uu sii socdo kulanku labo maalin.
Gudoomiyaha Degmadda Eyl ee Gobolka Nugaal Muuse Cismaan Yuusf,oo furey kulanka ayaa wuxuu ka warbixiyey xaaladda guud ee degmada sida Nabadgelyadda,Beeraha,
Faisal Maxamed Mataan oo ah Madaxa Mashrucaan ee SFS ayaa isna sheegay in barnaamijkan diirada lagu saaridoono sidii ay u wada shaqayn lahayeen bulshada iyo Police-ka oo ujeedadu tahay in ay iska kaashadaan dhanka Nabadgelyadda degmadda Eyl,
Madaxa Mashariicda Hay,adda DIAKONIA Maxamud Cali Siciid (Guunbe) ayaa isna faahfaahiyey muhiimadda uu bulshada u leeyahay aqoon kororsigaan waxaana uu sheegay in uu yahay mid lagu kobcinayo xiriirika wada shaqayneed ee bulshada iyo Booliiska.
“waxaa loo bahanyahay in lasoo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysay Booliiska iyo muwadiniinta ,iyadoo la abuurayo jawi nabad ah oo ogol in Muwadiniinta iyo Booliisku ay wada shaqeyaan khaladna aan laga fahmin shaqada bulshada boolisku u qabto goor walba” Guunbe.
Waxaana intaas ka dib la guda galay doodaha iyo isdhaafsiga figradaha iyadoo diiradda lagu saarey su,aalo ay ka midyihiin Waa maxay Booliisku?Maxaa kala socotaa howlaha uu bulshada u hayo? Sidee u wada shaqayn karaa booliiska iyo bulshada deegaanka Eyl?
Barnaamijkan Hay,adda SFS ay ka bilowday deegaanka Eyl ayaa noqonaya mid faa,iido u xambaarsan bulshada ku nool degmooyinka ka leexsan dhulka laamigu maro, taasi oo lagu micneyn karo wuxuu ka caawin karaa in ay bulshada goobahaasi fahan dhow u yeelato khataraha boolisku ka difaaci karo.
Puntlandpost. Garoowe