Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War deg deg ah:Shacabka Puntland oo feejignaan loogu baaqay (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar ayaa si cad u sheegay kooxda Alshabab inay taageero dhinac kasta ah inay ka hesho mamulka Somalilnad oo duulaan ku ah dhulka Puntland ee Gobalka Sanaag.

1138Waxa uu sheegay madaxwayne ku xigeenka inay hayaan cadaymo sheegaya in kooxda alshabab ragg ka tirsan lagu tababaro magalada Burco madaxa ugu sareeya kooxdaaasi Axmed Godane uu soo galo magalada Hargaysa.

”Waxaa loo bahan yahay beesha caalamka iyo dadwaynaha Soomaaliyeed ay isha ku hayaan xiriirka ka dhaxeeya Alshabab iyo Somalilnad,hadda dad badan bay keeneen meesha la yiraahdo Galgala,waa cadaan ,waxan qabnaa howshaa iyada ah Somaliland aakhirka iyaga ayay ku danbayn doonaan oo ay dili doonan,waxan codsanaynaa in dabo gal dhab ah lagu sameeyo waxan sheegayno,Nichalos Kay wuu og yahay”Madaxwayne Camay ayaa yiri sidaasi.

Shacabka ku nool deeganada Puntland ayuu ugu baaqay inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaada kooxda Alshabab oo ay xogta la wadaagaan ciidanka amaanka si looga hortago dhibaatooyinka.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay Dhibaatadda ALshabab in looga bixi karo midnimadda Umadda Soomaaliyeed.

Hadalka madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa waxa uu imaanayaa xili maalmihii ugu danbeyay si wayn loo hadal yahay ciidamo ka socda Somaliland inay soo gaareen deegaano ka tirsan Gobalka Sanaag ee Puntland.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>