Gaalkacyo (pp) Dagmada Tawfiiq ee ka tirsan Gobalka Mudug waxaa ka dilaacay xanuun soo ritay dadka reer guuraaga ah oo aan noociisa horay loo arag kaasi oo dilay sadex qof.
Astaamaha xanuunkan ayaa ah sida hargabka kadibna qofka sanka ayuu dhiig ka keenayaa waxaana u xiga suuxdin.
Xanuunkaan ayaa ilaa iyo haatan waxaa uu dilay sadex qof oo ah laba haween ah iyo cunugyar waxaana la ildaran dad faro badan sida ay sheegay waxgaradka deegaanka.
Nabadoon Cabdilaahi Axmed Nuur ayaa ka codsaday dawlada Puntland gaar ahaan wasaarada caafimaadka in deegaanka ay koox caafimaad u soo dirto si loo ogaado waxa uu xanuunka yahay kadibna daawayn loogu sameeyo dadka la ildaran .
Puntlandpost.com
Xafiiska Wararka Gaalkacyo