Borlänge(pp) Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar oo ka tirsan baarlamaanka dowladda Puntland isla markasna beryahaan Safaro ku maraayay Yurub,hadana ku sugan Dalka Sweden ayaa casumaad rasmi ah ka helay Maamulka sare ee Degmada Borlänge oo ka tirsan Gobolka Dalarna.
Borlänge waa Magaalada marti galisay Soomaalida ugu faraha badan marka loo eego dadweynaha ku dhaqan degmadaas oo ah 55.000 oo halka Soomaaliduna ay dhan yihiin tiro gaaraysa 3000 oo qof, sidaas awgeed ayay u daneynayeen inay la kulmaan siyaasiyiinta Soomaalida.
Xildhibaan Saciid iyo Madaxda Degmada oo uu hogaaminaayey Duqa Degmada Nils Petterson ayaa waxay wada qaateen kulan soconaayey muddo 4 Saacadood ah.
Madaxda Degmadu waxay warbixin balaaran ka bixiyeen qaabka ay uga shaqeeyaan Barnaamijka is dhexgelka ee ku wajahan dadka Soo galootiga ah (Integrations frågor).
Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu Warbixin Guud ka bixiyey Dowladda Puntland,Qaab dhismeedka Dowladda, Warbixin ku saabsan Baarlamaanka Puntland, Qaabka ay u shaqeeyaan Degmooyinka iyo Gobolada Dowladda Puntland.
Xildhibaanku usoo bandhigay in Degmada Borlänge ay wada shaqeyn iyo is caawin la yeelato degmo ka mid ah Degmooyinka Puntland,Waxaana la isla gartay Magaalooyinka Garoowe ama Boosaaso lala mataaneeyo Magaalada Borlänge.
Madaxda Degmadu waxay sheegeen inay wada shaqeyn la leeyihiin Degma ku taal Dalka Shiinaha oo ay ku nool yihiin 12000.000 ( laba iyo Toban Malyan oo Qof) halka Borlänge ay ku nool yihiin 55000 (Konton iyo Shan kun oo qof),Sidoo kale waxay sheegeen inaysan marna sugeyn Qaxooti Tuuladaas ka yimaada oo usoo guura Borlänge, sidaas darteed ayay waxay soo dhaweeyeen inay la shaqeeyaan Degma Soomaaliyeed oo ay isku dhow yihiin xagga tirada Dadka.
Kadib markii warbixinada lakala qaatay ayaa waxaa loo dhaqaaqay Makhaayadd Qado loogu diyaariyey Xildhibaank iyo Madadxda Degmada,halkaas oo ay ka sii socotay Doodii iyowada hadalkii,waxaana la isla qaatay in Madaxda Degmadu ay Safar ku yimaadaan Puntland kadib Doorashada Dalka Sweden ka dhacaysa ee Bisha September,halkaas oo ay heshiis kula gali doonaan Degmadda ay qaataan inay la shaqeeyaan.
Qadadii kadib waxaa Xildhibaanka lasoo tusay Xarunta Baarlamaanka Degmada Borlänge.
Waxaa kulankaas Fududeeyey oo goobna ka ahaa Mursal Issa oo ka tirsan Xisbiga Miljöpartiet, lagana yaabo inuu Sanadkaan noqdo Duqa Degmada Börlänge, waana Qofkii Soomaali kasoo jeeda oo boos noocaas ah gala dalka Sweden oo ay joogaan Soomaali gaaraysa 50,000 oo qof.
Puntlandpost
Sweden.