Garoowe (PP) Ammaanka magaalo madaxda Puntland ee Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la filayo inuu waqtiyada nagu soo aaddan inuu halkaasi soo gaaro wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo todobaadyadii ugu danbeeyay booqanayay gobolada ku yaal bariga Puntland.
Wararka aynu helayno ayaa tilmaamaya in madaxeynaha socdaalkiisa degdeggaa ee uu Garoowe ugu soo laabanayo ay la xiriirto si uu u furo kalfadhi aan caadi ahayn oo ay leeyihiin baarlamaanka Puntland.
Qaybaha warbaahinta ayaa la isugu yeeray si madaxweynaha uu uga warbixiyo safarkiisii uu ku tagay gobolada Karkaar iyo Bari.
Warar hoose ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu damacsanaa safarkiisa Boosaaso inuu toos u tago magaalada Gaalkacyo, balse kalfadhigaasi aan caadiga ahayn ay ka soo kala dhex gashay.
Faahfaahinta dib ayaan idinka soo gudbindoonaa
______
Xafiiska Wararka Garoowe