Garowe(pp) Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe xarunta dowladda ayaa warfidiyeenada u sheegay inuu guul kusoo dhamaday safarkii uu ku tagay degmooyin ka tirsan Gobaladda Karkaar iyo Bari.
Madaxwaynuhu waxa uu sheegay inuu lasoo kulmay shacabka Puntland ee gobaladaasi ku sugan.wuxuna tilmaay Gaas inay aad usoo dhaweeyen dowladda isla markasna ka waramay baahiyaha ka jira degmooyinka ay ku nool yihin.
Meelaha uu tagay Gaas iyo wafdigii la socday waxaa ka mid ahaa Qardho.Rako,Waaciye,Carmo iyo Bosaso wuxuna tilmaamay inay dhowaanna tagi doonaan gobaladda kale ee harsan oo ay ka mid yihiin Mudug.Sool Sanaag Cayn iyo Haylaan.
Inkastoo wararka hoose ay sheegayaan Gaas inuu qorshaysay inuu aado magalada Gaalkacyo haddana waxaa soo dhexgalay furista kalfadhiga aan caadiga ahayn ee baarlamaanka Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe