Garowe(pp) Wasiirka deegaanka daaqa iyo Duurjoogta dowladda Puntland Mudane Guuleed Saalax Barre ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe ka gadaal markuu magalada Nayroobi kula soo shiray saraakiil ka socda Hay’adda UNDP & FOA.
Guuleed Saalax Barre ayaa intii ku sugnaa magalada Nayroobi waxa uu masuuliyiintii uu la shiray uga war bixiyay xaalada deegaanka Puntland iyo sida wasaradda deegaanku uga go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka.
Wasiir Guuleed ayaa Puntlandpost u sheegay inay guul kusoo dhamaaday socdaalkii iyo shirarkii uu Nayroobi uga qayb galay wuxuna sheegay masuuliyiinta FOA iyo UNPD inuu ka codsaday sidii wasaradda looga garab siin lahaa hormarinta deegaanka.
Shirar deegaanka looga hadlayo ayay wasaradda ku qaban doonaa magalada Garowe kuwaasoo looga arrinsanayo hormarinta deegaanka iyo ka hor taga dhibaatooyinka lagu hayo.
Midowga Yurub ayaa Puntland ugu deeqay 25-milyan oo Yuuro oo wax looga qabanayo deegaanka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe