Muqdisho(pp) Madaxwaynaha dowladda dhexe ee Somalia Xasan Shiikh Maxamuud oo maalinta galinkii hore tagay magalaa Baydhabo xarunta Gobalka Bay ayaa lagu soo waramayaa inuusan ilaa iyo hada cidna la kulmin caawana uu ku hoyanayo magalada.
Iyadoo ay arintaasi la hadal hayo ayaa waxaa galabta magalada Muqdisho ka anbo baxay wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha baarlamaanka DF Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari kuwaasoo ku biiraya wafdiga Xasan ee Baydhabo u tahay xalinta muranka ka dhex aloosan mamulada iska soo horjeeda ee Baydhabo looga dhawaaqay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa horay u taageeray shirka lagu dhisay mamulka lixda Gobal ee uu madaxwaynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed halka Madaxwayne Xasan Shiikh-na uu ka hor yimi kuna tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga dalka dhinacna kasoo galin oo been abuur ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee labadaan masuul oo ka mi ah kuwa ugu saraaya Dowladda faderaalka ah socdaalkooda ay ku joogaan magalada Baydhabo ayaa salka ku hayo dhamaynta xiisaha siyaasadeed ee mamulada is-diidan ka dhex abuurmay waxana lagu wadaa inay maalinta barito ah ay la kulmaan madaxda labada maamul ee Baydhabo ka jira.
Ammaanka Baydhabo ayaa caawa si wayn loo adkeeyay waxana wadooyinka qaarkood lagu arkayaa ciidamo faro badan oo amniga sugaya kuwaasoo iskugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali.
Xasan Shiikh iyo Maxamed Jawaari waa socdaalkii labaad oo ay Baydhabo ku tagaan tan iyo markii xilkaan loo magacaabay.
Puntlanpost.com
Xafiiska Muqdisho