Qardho(pp)Wasiir ku xigeenka wasaradda arrimaha gudaha iyo hormarinta reer miyiga Puntland ayaa maanta dhagax dhigay xarun loo dhisayo dadka barakacayaasha ah ee ku nool magalada Qardho.
Mamulka Gobalka Karkaar kan degmada iyo hay’adda xaruntaan dhisaysa ee DRC ayaa goob joog ahaa dhigax dhiga xarunta waxana lagu tilmaamay inay tahay mid ay lee yihiin Barakacyaasha Magalada Qardho oo in mudo ah sugayay inay hellaan hoy wanaagsan iyo goobo saxaradda loo aado.
Wasiir ku xigeen arrimaha gudaha Cabdilaahi Warsame Qoobdeero ayaa sheegay inay muhiim tahay in xili kasta laga warqabo dadka danyarta ah ee ku nool deegaanada Puntland wuxuna hay’addaha samafalka ugu baaqay inay wax ka qabtaan oo ay doorkooda muujiyaan.
Maayarka Qardho Maxamed Siciida Hogaamalaroor ayaa sheegay Qardho inay ka mid tahay meelaha ugu badan oo ay dadka Barakacayasha ahi ku sugan yihiin sidaasi darteedna hay’addaha caalamiga ah looga baahan yahay inay gacan qabtaan oo ay nolashooa ka war hayaan.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida aadka ah ugu soo barakaceen qoysaska Soomaaliyeed ee ay saamayntu ku yeelatay dagaaladii sakooye ee ka dhacay Dalka gaar ahana Koonfurta & Bartamaha Somalia waxayna si xor ah ugu nool yihiin deegaanadda Puntland.
Agaasimaha wasaradda arrimaha gudaha u qaabilsan dhanka barakacayaasha Beexaani Axmed Barre ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin xarunta loo dhagax dhigay maanta danyarta Qardho wuxuna sheegay inay u baahan yahay hay’adduhu inay sii labo laabaan dadaalka ay ugu jiraan caawinta qoysaska danyarta ahi.
Puntlandpost.com