Baydhabo(pp) Madaxwaynaha DF iyo Afhayeenka baarlamaanka ayaa maanta magalada Baydhabo kula shiray masuuliyiin iyo waxgarad ka socda labada mamul ee iska soo horjeeda oo dhowaan looga dhawaaqay magalada Baydhabo.
Kulanka ay Xasan Shiikh iyo Jawaari la qaateen dhinacyada isku hayo Baydhabo waxaa ku weheliyay Xidlhibaano iyo wasiiro labadaasi masuul la kala socday waxana intiisa badan lagu soo hadal qaaday ka shaqaynta nabadgalyada iyo midnimada iyo is-mari wanaaga siyaasadeed ee magalada ka aloosan todobaadyadii lasoo dhaafay.
Marka laga tago kulankan oo aan ilaa iyo hada warbaahinta faah faahin laga siin natiijada kasoo baxday ayaa haddana warar kale oo la helayo ay sheegayaan dadka Baydhabo inay ku kala qaybsan yihiin labada mamul waxana jira mid kale oo Afgooye looga dhawaaqay.
Ammaanka magalada Baydhabo ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoona wadooyinka qaar lagu arkayo ciidamo isku dhafan oo amniga sugayo maadama ay ku sugan yihiin magalada madaxda ugu saraysa ee dalka.
Xasan Shiikh Maxamuud Madaxwaynaha DFS ayaa horay u sheegay inaysan aqoon sanayn mamulka lixda gobal ee Baydhabo ka dhisan kaasoo la sheegay inuu ka hor imaanaya dastuurka iyo sharuucda dalka u degsan ee la doonayo in nidaamka federaalka lagu gaarsiiyo guud ahaan wadanka.
Balse Afhayeenka Baarlamaanka oo furitaankii shirka lagu dhisay mamulka lixda gobal ka qayb galay ayaa taageero u muujiyay kaasoo ka hor imaanaya heshiiskii mamulka Jubba & DF ay ku wada gaareen magalada Addis ababa.
Baydhabo ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay marti u noqotay afgaaro siyaasadeed oo kala duwan walow ay Baydhabo tahay Caasumadda Afaraad ee dalka,sida ay qabaana dadka siyasada falanqeeya loo baahan yahay in laga hortago waxyaabaha kasoo bixi kara labadaasi mamul.
Lama yaqaan inta uu qaadanayo socdaalka Xasan Shiikh iyo Maxamed Shiikh Cismaan ay ku joogaan magalada Baydhabo walow ay maalinkii labaad hadda ku sugan yihiin.
Wixii kasoo baxa wararka danbe kala socda.
Puntlandpost.com
Baydhabo