Garowe(pp) Kulan lagu soo bandhigayo shaqadda wasaradda Dastuurka,Arrimaha federaalka & Dimoqraadiyeenta Dowladda Puntland isla markasna lagu daah furayo xarunteeda dhexe ee Garowe ayaa galabta lagu qabtay magalada Garowe.
Waxaa kasoo qayb galay madaxwaynaha Puntland ku xigeenkiisa,wasiiro,Xildhibaano iyo beesha caalamka waxana lagu muujiyay inta uu kulanku socda sida loogu qanacsan yahay wasaradaan cusub oo uu soo biiriyay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).
Wasiirka wasaradda la daahfuray Sahro Siciid Nuur ayaa soo jeediysay khudbad ay ku cabirayso hiigsada wasaradda iyo qorshayaasa u degan waxayna tilmaamtay mudada yar ee ay jirtay inay wax badan u qabsoomeen isla markasna ay ku rajo wayn yihiin inay guulo waa wayn ka gaaraan nidaamka fedaraalka iyo dimoqraadiyadda.
Sahro Siciid ayaa sidoo kale sheegay in hanka ugu horeeya ee ay lee yihiin ay tahay in 2019 ay shacabka Puntland u dareeraan doorasho ah hal cod hal qof taasoo suurta galinaysa in la helo dowladda dadku ay soo doorteen waxayna dhinacyadda kale ee wasaraddaha iyo dadka aqoonta leh ka codsatay inay arrimahaasi oo idil kala shaqeeyan si guul lagu najaxo loo wada gaaro.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa sheegay inay wasaradaani ka mid tahay wasaradaha ugu culus ee Puntland ayna fursad u hellaan haweenka,taasoo ka marag ka caysa sida loogu rajo wayn yahay in haweenku ay hellaan doorka ay siyaasada Puntland ku lee yihiin.
Waxa uu Camay sheegay in loo baahan yahay shaqo badan iyo dadaal lagu qanco si looga dhabeeyo isbadalka shacabka Puntland loo balan qaaday,dhamaan dhinacyadii kasoo qayb galay oo ay ka muuqatay farxad ayaa dareenkooda ku muujiyay soo dhawayn wasaraddan cusub.
Madaxwaynaha dowladda Puntland oo khudbad kasoo jeediyay ayaa ugu danbayntii xarunta dhexe ee wasaradaan xariga ka jaray wuxuna qol qol u galay xarunta iyo sida loo qalabeeyay.
Gaas ayaa sheegay inay jecel yihiin haweenka Puntland in la siiyo gollaha wasiiradda %50 balse ay daruufi ku xeeran tahay taasoo aan u saamaxayn inay intaasi hellaan,balse Sahro Siciid ayuu ku tilmaamay inay tahay qof karti u leh inay howshaan loo igmaday ay kasoo baxdo.
Nidaamka federaalka ayaa ah midka kaliya ee la iskugu keeni karo shacabka Soomaaliyeed si looga boxo kala cararka iyo in la isku kolsoonaan waayo,balse sifada loo marayo ayaa laga muujiyay inuu yahay mid qaldan oo keeni kara isku dhac hor leh iyo in dib loogu noqdo wixii dhacay labaatan sano ka hor.
Puntland ayaa lagu ammaanaa inay tahay deegaanada ugu nabdoon isla markasna ay ka jirto mamul iyo kala danbayn hufan,waxayna arrimahaasi oo idil saamaxday in Garowe lagu qabto shirar heer Somalia ah beesha caalamka iyo dowladaha daneeya Soomaaliyana ay kasoo qayb galleen.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe