Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Lix qof ayaa ku dhintay Qaraxyadda Caawa ka dhacay Nayroobi

$
0
0

Taliyaha booliska Kenya Benson Kibue ayaa xaqiijiyay in hal meel oo qura lagu arkay maydka lix qof rayid ah iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay goobo meherado ah oo ku yaala xaafada ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Islii waxana la xiray wadooyinka soo gala goobaha ay qaraxyadu ka dhacaan inkastoo dadku ay sheegayaan in saddex qarax dhacay hadana masulkaasi ka sheegin.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyada oo toban qof ka badan ayaa loola cararay istibaalada ku yaala magalada Nayroobo.

Ciidanka qaraxyada markay dhaceen gaaray goobahaasi ayaa wada sida la sheegayo baaritaano adag oo arrintaasi ku aadan inkastoo aan wali laga war hayn qaraxyadu noocyada ay yihiin.

Ammaanka Islii ayaa la adkeeyay waxana laga qabsi qabaa Soomaalida halkaasi degan inay dhibaato kala kulmaan Ciidanka maadama ay wali halkaasi ku dhuumaalaysanayaan Qaxooti faro badan oo horay dowladdu amar uga soo saartay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>