Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.CabdiwalI Maxmaed Cali (Gaas) oo galabta daah furay xarunta dhaxe ee wasaradda Dastuurka,Arrimaha fedaraalka iyo Dimqoraadiyeenta ayaa ka dhawaajiyay ahmiyadda ugu wayn ee looga dan lee yahay inay tahay sidii loo gaari lahaa in dadka Puntland ay codkooda ku doortan kuna diidaan.
Waxa uu sheegay saddex qaybood inuu diiradda saarayo kuwaasoo kala ah Dastuurka,federaalka iyo dimoqradiyeenta oo dhamaantood ah kuwo lagu gaaro karo hormar iyo cadaalad.
Gaas ayaa sheegay nidaamka fedaraalka inuu yahay mid ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin laguna gaari karo dowladnimo.
Wasiiradda cusub ee wasaaradasi oo la yiraahdo Sahro Siciid Nuur ayuu madaxwayne Gaas ku tilmaamay inay tahay qof karti iyo awood u leh inay wax ka qabasho arrimaha fedaraalka iyo dimoqraadiyada laguna rajo wayn yahay 2019-ka inuu yimaado isbadal ballaaran oo lagu taami karo.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa wasaradan soo kordhiyay waxana lagu wadaa inay gudo gasho howlaha loo igmaday.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe