Garowe(pp) Wasiirka Wasaarada Deegaanka Daaqa Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Mr.Guuleed Saalax Barre ayaa shalay galab ku soo bandhigay Jamacada Puntland Satate University (PSU) Qorshayaasha Wasaarada ee Sanadkan 2014.
Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir kuxigeenka wasaarada,Agaasimaha Guud iyo Qaar kamid ah shaqaalaha Wasaarada.
Kulankan lagu soo bandhigayay qorshe hawleedka wasaarada waxaa ka soo qayb galay Ardayda dhigata Jaamacada iyo qaar kamid ah kuwii dhamaystay,Odayaal dhaqameed iyo dhalinyaro.
Ugu Horayntii Wasiirka ayaa ka warbixiyay qorshayaasha uyaala inay gaaraan sanadka 2014 kaas oo ka koobnaa 7 qodob oo waaweyn,waxaana uu ku tilmaamay soo bandhigida Qorshayaashaan in dadweynaha ay shaqada uhayaan ay la wadagaan xogtan si beri ay ugala xisaabtamaan.
Mr Guuleed ayaa sidoo kale sheegan in qorshayaan ay u ahayaan dhaqaalihii ku bixi lahaa qayb kamid ah inta kalena ay dhowrayaan,waxaa uu soo hadal qaaday in wax laga qaban doono deegaanka dhanka beriga iyo hawada.
intaas kadib waxaa ardaydii iyo cuqaashii madasha ku sugnaa ay su’aalo ku saabsan deegaanka ay weydiiyeen wasiirka waana uu uga jawaabay.
Qorshe hawleedka wasarada deegaanka duurjoogta iyo dalxiiska 2014
1.siyaasada iyo shuruucda deegaanka in la meelmarriyo. Korna loo qaado tayada wasarada ilaa heer tuulo.
• In la dhameyo siyasada deegaanka,ka hortagida iyo maaraynta musiibooyinka.
• in la kobciyo xirfada shaqalaaha ilaa 10 degmo.
• In dib habayn lagu sameeyo lana qalabeeyo 5 xafiis.
• In la shaqaaleeyo 4 la taliye/consultants.
2. Wacyi galinta iyo barida deegaanka(Environmental Education)
• In iskuulada lagu daro laguna barto deegaanka.
• In jamacada East Africa laga bilaabo barashada deeganka ilaa heer diploma.
3.In la awood la siyo dadka si ay u mamulan kheyradka dibiicga ah kana hortagan khilaaf.
• In la wacyi galiyo 130 tuulo lagana cawiyo sidi ay u mamauli lahayen deegankooda(NRM)
• In la qabto shirar ay kasoo qayb galayan, odayaal dhaqamedka, haweenka iyo dhalinyarada si loo balariyo xeer dhaqameedka deeganka.
• In la hor mariyo qabkii loo yarayn lahaa ama lo xalin laha khilaafaadka deeganka.
4.Ilaalinta biyaha iy ciida,lana kaabo deeganka abaarahana laga hortago.
• In la smaeeyo dhir beeris dib looso celiyo nafaqadi ciida.
• In la dhiso biyo xireeno
• In la xakameyo dhirta aan faaidada lahayn(garanwaaga)
5.Ilaalinta duurjoogta, noolaha biya(marine ecosystem)
• In qiimayn lagu sameeyo duurjoogta lana ogaado mesha ay ku noolyhn
• In dawladu baaritaan iyo qiimayn ku smayso noolaha biyaha(marine ecosystem)
6.In la helo wax dhuxusha lagu badelo.
• In la asaaso shirkado yaryar garowe,galkacyo iyo bosaso keena badelka dhuxusha(biogas)
• In qiimayn lagu smaeeyo stoveska.
7.in kor loo qaado baritan cilmiyeed iyo qaybta xogururinta.
• In la hor mariyo nidaamka dabagalka,musiibooyinka iyo digniinaha iyo maarayntoodaba.
• In la qalabeeyo waxdaan si ay hawl maalmeedkooda u qabtaan
In la asaso sidii war bixin dhmaystiran loga heli laha loona dabagali llaha nabad guurka deegaanka.
Wasaradda Deegaanka ayaa soo diyaarisay
Faafinta Puntlandpost.com