Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hay’adda TADAMUN oo tababar dadka looga wacyi galinayo Cudurka HIV?ADIS-ka ku qabatay Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Hay’adda maxaliga ah ee Tadamun ayaa maanta magalada Garowe kusoo gabo-gabaysay tababar socday mudo afar maalmood ah oo dadkii kasoo qayb galay lagu barayay sida bulshada Garowe looga wacyi galin lahaa heerka aqoontodana korna loogu qaadi laha dhanka HIV/AIDS iyo caabuqyada lagu kala qaado galmada.

Tababarkan ayaa loo qabtay Afartan qof oo iskugu jira Culimo,Odayaal dhaqan,macalimiin,dhalinyaro iyo kooxaha caafimaadka ee xaafadaha Israac iyo Hodan Magalada Garowe waxana maalgalisay Hay’adda UNDP waxana fulinta iska leh Hay’adda Tadamun oo loosoo gaabiyo (TASS).

Furitaankii waxaa kasoo qayb galay Saadiq oo kasocda hay’adda ladagaalanka HIV/AIDS ka PAC, Sharmarke Cabdi Cilmi oo ka socday hay’adda UNDP , Cabdirashiid Dabayla Qore oo isna kasocday Dawladda hoose ee Garowe iyo Mohamed Abdulkadir Faarah (Shiine) oo ah wakiilka TASS u fadhiya magalada Garowe.

Maxamed Shiine oo bilowgii tababarka ka hadlay ayaa sheegay u jeedada tawabarkan inuu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee bulsha isla markasna laxiriita dhanka HIV/AIDS wuxuna tilmaamay muhiimada ay bulshada u leedahay tawabarka oo loo baahanyahay in laga faa’idaysto.

Sharmaarke oo ka socday hay’adda UNDP ayaa isna u mahad celiyay dadkii tababarkan kasoo qayb galay Wuxuna u sheegay inay fursadan ay nasiibka u yeesheen siday uga faa’idaysan lahaayen oo ay wada shaqeen fiican ula yeelan lahaayeen fududeeyaasha iyo wakiilada hay’dda TASS si loo gaaro ujeedka laga lahaa tawabarkan iyo Barnaamijka CCE.

Agaasimaha arrimaha bulsahda ee dowladda hoose Garowe Cabdirashiid Ciise Wayaale ayaa isna tilmaamay muhimada tawabarkan ay u leedahay bulshada reer Garowe wuxuna ka codsaday hay’adda UNDP in tiradda xaafadaha kulama iyo tawabaradda loo qabanyo in kor loo qaado haddan inay khatar badan hadda ay jirto dhanka HIV/AIDS-ka ah loona baahanyahay in aad loo taxadaro

Ugu danbayn saadiq ayaa tawabarkan u furay bulshada wuxuna ku booriyay inay ka faa’idaystaan bulshada inteeda kalana ay gaarsiiyan wixi ay halkan ka barteen si loo helo number badan oo bulshada kamida oo ku wacyi gashan xanuunkan HIV/AIDS ka

Barnaamijkan CCE-ga waxay hay’adda TASS waday ilaa sanadki 2011 iyadoo la kaashaneysa hay’adda ladagaalanka HIV/AIDS ka PAC iyo Dawladda hoose ee Garowe markii ugu horaysay waxaa laga bilaabay 2 xafadoo oo kala ahaa (Waabari iyo Hanti wadaag ) hadana wuxui ka socdaa 2 xafadood kaloo cusub oo kala ah (Israac iyo Hodon).

Dadkii ka faa’iidaystay tababarkan ayaa Puntlandpost u sheegay inay ku faraxsan yihiin aqoonta ay ka dhaxleen tababarka waxayna u mahad celiyeen madaxa Hay’adda Tass oo xili kasta u taagan sidii bulshadda Puntland looga wacyi galin lahaa khataraha kaga imaan kara dhanka caafimaadka iyo nabadgalyada.

1 DSC06038 DSC06039 DSC06043 DSC06046 DSC06047 DSC06048 DSC06049 DSC06051 DSC06053 DSC06059 DSC06061 DSC06064 DSC06065 DSC06066 DSC06067 DSC06069 DSC06071 DSC06073 DSC06075 DSC06076 DSC06077 DSC06078 DSC06079 DSC06081 DSC06082 DSC06083 DSC06084 DSC06085 DSC06086 DSC06087 DSC06088 DSC06089 DSC06092 DSC06093 DSC06094 DSC06095 DSC06096 DSC06097 DSC06098 DSC06099 DSC06100 DSC06101 DSC06102 DSC06103 DSC06104 DSC06105 DSC06106 DSC06109 DSC06110 DSC06111 DSC06112 DSC06113 DSC06115 DSC06116 DSC06118 DSC06119 DSC06120 DSC06122 DSC06124 DSC06126 DSC06128 DSC06129 DSC06130 DSC06131 DSC06132 DSC06134 DSC06135 DSC06138 DSC06140 DSC07722 DSC07737 DSC07741 DSC07749 DSC07760

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>