Garowe(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.CabdiwalI Maxamed Cali (Gaas) ayaaa maanta madaxtooyadda ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Ingiriiska,waxana wafdigaasi hoggaaminaya safiirka UK ee Somalia ninka lagu magacaabo Neil Wighan.
Dr.Gaas ayaa si diiran Puntland ugu soo dhoweeyey safiirka Dawaladda UK iyo xubnaha kale ee la socday waxayna wada qaateen kulan socday dhinacyo badan looga arinsaday.
Cabdiweli Max’ed Cali & Neil WIGHAN ugu horayn waxay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanayd xiriirka ka dhexeeya labada dhinac iyo sidii loo adkayn lahaa.
Sidoo kale waxaa si gaar ah looga arrinsaday mashaariicda horu marineed ee ay Dawaladda UK ka fuliso Puntland waxaana laysla qaatay in la sii wado mashaariicdaasi.
Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka UK Somalia intii kulankoodu socday waxay ka wada hadleen sidii wada shaqayn gaar ah looga yeelan lahaa arrimaha ammaanka iyo in adkeeyo, maadaama amaanku uu yahay udub dhexaadka nolosha.
Labadaan masuula yaa docda kale ka wada hadlay dagaalada ka socda koonfurta Somalia kuwaasoo lagu soo afjarayo kooxda ururka Alshabab oo mudo badan ka dagaalamayay Somalia.
Puntland ayaa ka mid ah meelaha ka nabad galay dagaalada ka socda koonfurta Somalia waxana arrimahaasi sababay isku duubni dhexmartay shacabka iyo mamulkooda.
Puntlandpost.com