Kismaayo(pp) Mamulka Jubba ayaa mar kale sheegay ciidanka ka socda dalka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka AMSIOM ee Somalia inaysan ka baxayn gudaha magalada Kismaayo ka dib markii maalmihii ugu danbeeyay arrimahaasi la hadal hayay.
Afhayeenka mamulka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa cadeeyay ciidanka Kenya ee Kismaayo ku sugan inay la mid yihiin kuwo kale ee ka socda dalalka Africa sidaasi darteedna ay joogi doonaan Kismayo.
Dowladda dhexe ee Muqdisho ayaa wada barnaamij Ciidanka Kenya looga saarayo magalada Kismayo madama ay horay ugu eedaysay inay la safan yihiin mamulka Jubba ee Axmed Madoobe.
Hase yeeshee Seeraar ayaa qaba Ciidankan inay ka mid yihiin kuwo ka socda dalalka Siraliyoon iyo Burundi loona baahan yahay inay al-shabab kala dagaalamaan gobaladda mamulka Jubba.
Ciidanka Kenya ayuu masulkan ku ammaanay inay yihiin kuwo wax badan ka qabtay Jubbooyinka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismayo