Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhismah Isbitaal Guud oo Iskaa wax uqabso ah oo kabilaawday dagmada Balli-Dhidin Ee Gobalka Bari(Sawiro & cod)

$
0
0

(Bosaso PP)Bulshada ku nool degmada Balli-Dhidin ayaa bilaabay  qorshe ah sidii ay degmada uga hirlgelin lahaayeen isbitaal guud, kaasi oo kharashka dhismihiisa lagu bilaabay laga aruuriyay qaybaha Kala duwan ee bulshada deegaankaasi.

Dhaqaalaha ay iska aruuriyeen shacabka degmadaasi ayaa ahayn mid ku filan dhismaha isbitaalka, hase ahaatee  waxaa jira baahyoi ay qabaan dhammaan bulshada halkaas ku nool iyo inta ay degmada Balli-Dhidin ay Xukunto haba ugu horeysee dhismaha xarunta caafimaad

Nabdoon Siciid Bile oo ka mid ah nabadoonada degmada  ayaa ka warbixiyay waxyaabaha ku dhaliyay dhismaha xaruntan caafimaad waxa uuna sheegay in dadka degmada  iyo inta ay xkuntaba ay la kulmaan daryeel la’aan oo dhanka caafimaadka ah , taasina ay keentay in maanta la bilaawo dhismaha isbitaalka degmada

Waxaa uu intaasi ku daray nabadoonka in dad qabay dhibaatooyin fara badan ama xanuuno ay geeriyoodeen intii loo waday magaalooynka kale ay ka jiraan xarumaha caafimaad sida magaalada Bosaso

Waxa uu ugu baaqay nabadoonka dowladda Puntland,  gaar ahaaan wasaaradda caafmaadka in  ay gacan ka geysato hirgalinta isbitaalka, isla markaana wasiirka cafimaadka ay rajeenayaan in uu soo gaaro degmada

Daad Maxamed Muuse oo isna ka mid ah waxgaradka ayaa sheegay in ay dadka deeganka  ay muujiyeen karti isla markaana ay hada bilaabeen dhisida isbitaalka guud ee Balii-Dhidin,  waxaana uu sheegay in maamulka Puntland uu booskiisi banaan yahay sidoo kalena ay sugayaan jaaliyada reer Ball- Dhidin ee dibadah ku maqan doorkii ay ku lahaayeen

Iftin Maxamed Shire oo ah kal-Kaalisida degmada  ayaa sheegtay in dhibaatooyin aan la soo koobi karin ay kala kulantay xarun la.aanta ka jirta degmadaasi,  iyadoona sheegtay in ay jiraan haween u geeriyooday xarun caafimaad la’aan maadaama aan u dhawayn  deegaanka isbitaal

Dhanka kale waxaa kalmado  lagu dhiira galinayay bulshada  soo jeediyay C/xaafid Cali Yuusuf gudoomiyhii hore ee gobalka Bari iyo siyaasi  Maxamed Cilmi Cabdalah

Degmada Balli-Dhidin ayaa ka mid ah deeganada ay bulshadeedu ay mar walba danahooda horamarineed ay ka shaqeeyaan iyadoona iminka waxii la sugaaba ay tahay Booskii dowlada iyo Jaaliyada deegaankaas au uga qeyb qaadan lahaayen hormarinta Balli-Dhidin

Hadaba Cidii Rabta inay ka qayb qaadato dhismah Xaruntaa caafimaad ee degmada Balli-Dhidin ku soo Dir dhaqaalaha y doonayso in ad ku caawisid dhismaha isbitaalka  A/CC.Dahabshiil.004163

 

130 118 120 121 122 114 115 119 113 116 117 126 127 125 124 123 108 109 110 111 112 107 106 129puntland post.com

xafiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>