Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xukumadda Puntland oo mamnuucday Macaha madow ee gaadiidka lagu dhajiyo.

$
0
0

Garowe(pp) Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay Puntland inay mamnuuc ka tahay isticmaalka muraayadaha madow taasoo loo gartay inay khatar ku tahay ammaanka gobaladda.

GasArrintaan lagu joojinayo isticmaalka beersoolka gaadiidka lagu dhajiyo ayaa looga hadlay shirka gollaha wasiiradda Puntland oo maanta qabsoomay waxana shir gudoon ka ahaa madaxwaye Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas).

Waxaa lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada in gaadiidka dowladda iyo kuwo dadwaynaha ay mamnuuc ka tahay,iyadoona dhowr jeer oo hore mamulka Gobalka Nugaal uu ka hadlay amarana uu kasoo saaray.

Mararka qaar ayaa lagu arkaa magaalooyinka Puntland ciidanka oo la dagaalamaya muraayadaha madow walow amarka lagu joojinayo uusan dhaqan galin.

Balse Kan maanta ay wada gaareen gollaha xukumadda ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo abad kasoo baxa xukumadda Gaas.

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>