Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Dhaqaatiirta Puntland oo urur ay ku midaysan yihiin ku samaystay Garowe (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Dhaqaatiirka gobaladda Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxay magalada Garowe xarunta dowladda ka wadeen shir lagu midaynayo saddex urur dhaqaatiir oo ka jira Bosaso,Garowe iyo Gaalkacyo kuwaasoo arrimaha caafimaadka ka shaqeeya.

DhaqaatiirUgu danbayntii maanta ayaa lagu dhawaaqay ururka mideeya dhaqaatiirka Puntland waxana munaasibad lagu daah furayay ururkaasi lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacadda Bariga Afrika waxana kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland,wasiirka Caafimaadka iyo dhaqaatiir faro badan.

Wasiirka wasaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr.Saadiq Eenow ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin fikirkan wanaagsan oo ay dhaqaatiirka Puntland ku samaysteen urur ay kali ku yihiin,wuxuna ku tilmaamay inuu yahay mid ka shaqayn doono wacyi galinta dhanka caafimaadka iyo sidii loo hormarin lahaa caafimaadka Puntland.

Eenow ayaa muujiyay inay garab taagan yihiin ururka dhaqaatiirka Puntland wuxuna sheegay inay xafiis ku yeelan doonaan xarunta wasaradda Caafimaadka wuxuna sheegay dhaqaatiirku inay ka mid yihiin laf-dhabarka shacabka.

”Ururkan wuxuu ka qayb qaadanayaa hagaajinta caafimaadka Puntland,wuxuu ka qayb qaadanayaa dhiirigalinta dhalinyaradda Jaamacadaha kasoo baxa wuxuna xoojinayaa sharciga caafimaadka oo ah in la ilaaliyo waxa qofka jirkiisa gala” Eenow.

Dhaqaatiirka ayaa gudoomiye u doortay Dr.Cabdirisaaq Cartan Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirka dalka ugu soo laabtay wuxuna muujiyay inay mudo badan ku dadaalayaan sidii guusha maanta la gaaray loo heli lahaa ,Cartan ayaa tilmaamay inay shaqo badan oo baaxad leh sugayso isla markasna shacabka iyo dowladda looga baahan yahay in la garab galo.

Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey ayaa soo dhaweeyay ururka dhaqaatiirka Puntland wuxuna sheegay inay ku faraxsan yihiin in la mideeyo dhaqaatiirka oo hadda awooda inuu ka shaqeeyo midaynta dhaqaatiirka Soomaaliya.

Camay ayaa sheegay ururkan inuu kusoo wajahan yahay howl baaxad leh oo u baahan in wax laga qabto dhaqaatiirka ka been sheega caafimaadka iyo sidii dalka loogu soo celin lahaa dadka Caafimaadka bartay ee dalka dibadiisa ku maqan.

Waa ururkii ugu horeeyay oo mideeya dhaqaatiirka Puntland,waxana soo dhaweeyay dhinacyada shacabka Soomaaliyeeed ee Gobaladda Puntland ku nool.

http://www.puntlandpost.com/pp/wp-content/uploads/2014/04/Wasiirka-Caafimaadka-Madaxwayne-ku-xigeenka-Puntland.mp3

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22940

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>