Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bacaha lagu keeno Sin-siyeeriyada oo maanta Garowe lagu gubay (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa maanta duleedka bari ee magalada Garowe lagu gubay in ka badan shan kun bacaha lagu keeno Sin-siyaariyada laga xidho kaneecada.

6Barnaamijkan waxaa iska kaashaday wasaradda Caafimaadka,mamulka degmada Garowe iyo Ururka TIDES waxana xiliga la gubayay goob joog ahaa masuuliyiin saddexaas xarumood ka socda.

9Ugu horayntii Agaasimaha Duumadda ee wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdikariin Xuseen Xasan ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in laga bad baadiyo dadka bacaha lagu keeno qalabka kala duwan ee la isticmaalo sida sin-siyeeriyada kaneecada laga xirto wuxuna sheegay ka wasaradd Caafimaad ahaan inay xili kasta u taagan yihiin sidii looga hortagi lahaa waxyaabaha caafimaadka dadka wax u dhimaya.

13Agaasimaha arrimaha bulsahda dowladda hoose Cabdirashiid Ciise Wayaale ayaa dhankiisa sheegay mamulka dowladda hoose ee magalada Garowe inuu dadka ku wacyi galinayo inuu ka taxadaro caafimaadka isla markasna la iska fogeeyo waxyaabaha agabyada kala duwan lagu isticmaalo ama goobo loo diyaarshay lagu gubo si sunta ku jirta dadka aysan u saamayn.

3Cabdirashiid ayaa tilmaamay inay ku howlan yihiin sidii looga shaqayn lahaa nadaafada Caasumadda Puntland.

12Gudoomiyaha Hay’adda TIDES Mudane Cabdi Ibraahim oo saxafada kula hadlay goobta bacaha lagu gubay maanta ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga fogaan lahaa waxyaabaha xanuunada keeni kara sida isticmaalka bacaha lagu keeno kanacaada.

5Cabdi Ibraahim ayaa sheegay inay xili kasta u taagan yihiin sidii looga shaqayn lahaa hormarka shacabka Puntland ayna muhiim tahay in caafimaadka xili kasta laga warqabo.

10Wasaradda Caafimaadka Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo looga hortagayo cudurka Malaariyada.

11 8 5 6 7 2 4 1

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>