Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wafdi hordhac u ah Socdaalka Gaas ee Gobalka Mudug oo Gaalkacyo gaaray (Warbixin)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Wafdi wasiiro.xidlhibaano iyo saraakiil ciidan iskugu jira ayaa soo gaaray magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug kuwaasoo hordhac u ah socdaal uu madaxwaynaha Puntland ku imaanayo Gobalka Mudug.

Masuuliyiintan oo Garowe kasoo anbo baxay saakadii hore ayaa waxaa duleedka magalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay masuuliyiinta Gobalka iyo kan degmada.

Inkastoo aan saxaafada war sugan la siin haddana waxaa lagu wadaa wafdigu inuu shirar kala duwan la qaato mamulka iyo qaybaha kale ee shacabka si looga wada hadlo arrimaha Gobalka Mudug gaar ahaan amnaanka.

Wasiiradda,Amniga,warfaafinta,howlaha guud,xildhibaan iyo saraakiil ciidan ayaa ka mid ah wadiga Gaalkacyo soo gaaray waxayna hordhac u yihiin wafdi kale oo dhowaan la filayo inay soo gaaraan magalada Gaalkacyo.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa safaro ku tagay degmooyin ka tirsan Gobalada Nugaal.Karkaar iyo Bari waxana lagu wadaa maalmaha soo socda inuu tago Gobalka Mudug oo ka mid ah gobalada ugu muhiimsan ee Puntland.

Ammaanka magalada Gaalkacyo ayaa lagu wadaa in si wayn loo adkeeyo maadama uu kusoo wajahan yahay Madaxwayne Gaas iyadoona Gaalkacyo ay ka taliyeen labo mamul.

Waa wafdigii ugu horeeyay oo Galkacyo gaara tan iyo markii gollaha wasiiradda uu Gaas ku dhawaaqay.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>