Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxabiis ka baxsatay Xabsiga magalada Bosaso

$
0
0

Bosaso(pp) Wararka laga helayo Xabsiga wayn ee magalada Bosaso ayaa sheegaya in maxabiis ku xirnayd ay ka baxsadeen ka dib markii ay ka boodeen daaqad yar oo loogu talo galay inay la layr sadaan.

Ciidanka ayaa gacanta ku dhigan 11-ka mid ah maxabiista ka baxsatay jeelka halka labo ka mid ah ay gacanta ciidanka ka baxsadeen labo kalane ay laguha dhaawacyokasoo gaareen ka dib markuu la go’ay dharkii ay xirnaayeen oo ay xarag ka samaysteen maxabiista.

Saraakiisha Xabsiga ayaa sheegay inay wadaan dadaalo kala duwan oo lagu soo qabanayo labada maxbuus ee xabsiga ka baxsaday.

Waxay kusoo aadaysaa arrintaan xili qaar ka mid ah maxabiista Jeelka ku xiran ay soo booqdeen eheladooda si ay uga waraystaan xaalada ay ku sugan yihiin.

Waxana la sheegayaa maxabiista maanta baxsatay iyo kuwo la qabtay ay ka mid yihiin maxabiis burcad badeed ku eedaysan oo dibada lagu soo xukumay.

Puntlandpost.com

Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>