Gaalkacyo (pp) Waxaa Isbitaalka GMC ee loo yaqaan dhagacadde lagu soo gabgabeeyey Aqoon isweydaarsi ku saabsan sida loola tacaali karo caafimaad ahaan haweenka lasoo kufsado Aqoon isweyaarsigan ayaa waxa loo qabtay dad laga soo xulay Qaybaha kale ee bulshada.
Aqoon isweydaarsi ayaa dadka loo qabtay waxaa ka mid ah haween iyo rag laga keenay xarumaha unugul kufsiga haween lagu kaco kuwaas oo qaybka yihin kuwa ka socda xarumaha Barakacayaasha.
Aadan C/qaadir Maxamed oo ka mid ahaa macalintii bixiyey Aqoon isweydaarigan ayaa sheegay in looga baanyahay dhalinyarada ka faa’idaystay ay dib ugu noqdaan bulshada Aqoonta ay barteen.
Dr C/qaadir Maxamuud Jaamac dhagacadde oo ah Agaasimaha Isbitaalka GMC ee gaalkacyo ayaa sheegay in dhalinyarada baratay sida loola tacaali karo caafimaad ahaan haweenka lasoo kufsado ay tahay talaabo muhiin ah isagoo ugu baaqay in wixii la baray ay kula laabtaan bulshada ugu faa’idayaan.
Qaarka mid ah dhalinyarada ka faa’idaystay Aqoon isweydaarsigan ayaa umahadceliyey maamulka Isbitaalka GMC oo aqoon isweyaarisgan uqabtay waxaa ay sheegaan in ay wax badan oo horeysan u aqoon la baray.
Xafiiska Wararka Gaalkacyo
Puntlandpost