Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne ku xigeenka PL oo xariga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyay Saldhiga dhexe ee Garowe (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.Cabdiaxakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta xariga ka jaray dhismayaal casri ah oo lagu kordhiyay saldhiga dhexe ee magalada Garowe.

1Dhismayaashan casriga ah ee Saldhiga lagu kordhiyay ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay oo ku dhow labo boqol oo kun oo doolar bixisay Hay’adda dhanka hormarinta QM u qaabilsan ee UNPD,wuxuna mashruucaan la socdaa kuwo kale oo Saldhigyadda Puntland lagu hormarinayay.

Xarig jarka dhismayaasha cusub ee Saldhiga waxaa kasoo qayb galay Mamulka Gobalka Nugaal,kan degmada,Taliska booliska Puntland iyo saraakiil UNDP ka socda.

Taliyaha ciidanka booliska dowladda Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin hormarinta ay UNPD ku samaysay saldhiga dhexe ee Garowe wuxuna Taliyuhu sheegay inay wali jirto baahiyo kala duwan oo ciidanku qabaan.

Sarkaal ka socday Hay’adda Qarashka lagu dayactiray saldhiga bixiyay ayaa sheegay ujaadada ugu muhiimsan inay tahay sidii loo yarayn lahaa baahiyaha ciidanku ay qabaan ammaankana loo adkayn lahaa.

Madaxwayne ku xigeenka oo ka dib soo kormeeray dhismayaasha saldhiga lagu kordhiyay iyo kuwo la dayactiray ayaa sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay cida masuulka ka ah ayna muhiim tahay in la ilaalsho qalabka loogu deeqay.

Camay ayaa uga mahad celiyay hay’adda UNDP dadaalka iyo dhaqaalaha ay galisay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa Saldhiga booliska Gobalka Nugaal oo ka mid ah saldhiyadii ugu horeeyay ee Gobalka.

11 12

10

9 8 7 6 5 4 3 2

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>