Garowe(pp) Wasiirka wasaaaradda waxbarashada dowladda Puntland Mudane Cali Xaaji Warsame ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Garowe ka dib markuu shir waxbarashada ku saabsan uu kaga qayb galay magalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Waraysi gaar ah oo uu siiyay Cali Xaaji Warsame Puntlandpost ayuu ku faah faahiyay socdalkiisii Nayroobi iyo waxa kasoo baxay.
Wasiir Cali Xaaji ayaa Nayroobi shirar kala duwan kula qaatay Hay’addaha Deeqaha bixiya,sida EU,UNICEF,USAID,waxayna ka wada hadleen waxbarashada Puntland iyo hormarka laga sameeyay.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay Shirkii dib u eegista waxbarashada Puntland iyo waxyaabihii ka qabsoomay kaasoo dhacay 26-Feb.2014.
Xoojinta xiriirka wasaradda waxbarashada Puntland iyo Beesha caalamka iyo guud ahaan dowladda Puntland ayuu sheegay Cali Xaaji inay ka wada hadleen masuuliyiintii uu Nayroobi kula shiray.
Wasaradda waxbarashada Puntland ayaa wada dadaalo kala duwan oo lagu hormarinayo waxbarashada maadama madaxwaynaha Puntland oo kordhiyay miisaaniaydda waxbarashada oo laga dhigay boqolkiiba todobo.
Waa safarkii ugu horeeyay uu wasiirka waxbaarsahda ku aado dalka Kenya kaasoo ugu danbayntii guul kusoo dhamaaday,
Deeq Hurre ayaa nasoo gaarsiiyay warbixinta iyo sawiradda.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe