(Bosaso Pp)Xafladan oo ahayd mid balaaran si weyna loo soo agaasimay waxaa ka soo qeybgalay masuliyin uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Bari C/Samad Maxamed Galan Bahda Waxbarashada Sida Jaamacadaha, Macalimiin Waalidiinta ay Ardeydooda dhameyeen Waxbarashada Dugsiga Sare ee Manaaratul Baydaa ee Boosaaso. iyo marti sharaf kaloo aad ufarabadan ayaa lagu qabaty xarunta dugsiga ee magaalada bosaso
Xafladan oo ahayd Mid ardeyda ay ku Macsalaameynayeen Dugsigooda iyo Macalimiintii Wax soo baraysay mudada 12-ka sanno ahayd kuwaasi oo ah dufcadii 8 aad ee ka qalin jabis dugsiga dugsiga Manaaratul Baydaa ee Bosaaso ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay oo sharaxay tirada Ardeyda iyoTaariikh dugsiga C/qaadir Maxamuud Faarax Maamulaha dugsiga Manaaratul Baydaa ee Bosaaso ,waxaan uu timaamay in ardaydaan tiradoodu dhanatay 42 araday ku waasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho,waxaana uu intaasi kudaray maamulaha in maamulka iyo barayaasha dugsiga ey dadaal badan ku soo bixiyeen sidii ey ardaydaan ey usoogaarsiin la haayeen heerka ey maanta joogaan
Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo Munaasabada Ardeyda kala qeybgalay ayaa ugu horeen hambalyo udiray Ardeyda qalin jebineysa ,waxaan uu sidoo kale Ka hadlay Waxbarashada iyo Ahmiyada ay leedahay
”waxbarashada iyo muhiimada ey leedahay maanta ma ahan mid aanu isku tilaamayno ,mana aha mid ubaanah in la iftiimiyo maxaa yeelay inta meesha fadhidaa waa intii wax barashada ehelka u uahayd ama hanoqdo kii wax baranaayay iyo kii wax baraayay Ama kii kaaliyaha u ahaa ee garabtaagnaa sidaad daraad deed sibuuxdaaAyaa looga warhayaa in ey tahay waxbarashada waxa ka lii ah ee qofka bini aadamka ah uu ku kaaftoomi karo qaybaha kaladun ee noolashiisana kaafin karta ’’ ayuu yiri
Gudoomiyaha Gudiga Aasaasayaasha Jamaacada Ugu Balaaran Deegaanada Puntland ee Bariga Afrika Sheekh Yuusuf C/casiis ayaa isna Kalmado Qiimo Badan ka soob jeediyay munaasabda Waxaan uu kuladar daardaarmay ardayda in ey siiwataan waxbarashadooda si ey ugu mira dhaliyaan dadaalkooda
Sumayo C/laahi Muuse oo ku hadlaysay afka ardeyda Form Four-da iyo mid ka mid ah waalidka ka soo qeybgalay ayaa kalmado Xigmad Xambaarsan ka so jeediyay Xaflada ,waxaan amaan iyo bogaadin udireen maamulka iyo barayaasha dugsiga manaaratu baydaa oo muda dheer wax soobaray ardaydaan
Gabagabadii munaasabada Waxaa ay ardeydan Abaal marino siiyeen Macalimiintii Wax soobaray iyaga oo xusay inay Noloshooda kaga jiraan kaalin aan la ilaawi doonin.
xafiiska Bosaso
Cabdi Nasir Daacad