Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka haweenka Puntland oo ka war bixisay socdaalkeedii Gardufu (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka haweenka Dowladda Puntland Aniso Xaaji Muumin Cabdiqadir ayaa waraysi ay siisay Radio Garowe waxay kaga war bixisay safar qaatay mudo todobo maalmood ah oo ay ku tagtay deegaano ka tirsan gobalka Gardufuu iyo sanadkan 2014 waxyaabaha diirradda u saaran.

AnisoAniso ayaa sheegtay Gobalka Gardufuu oo ah mid cusub inuu u baahan yahay hormar kala duwan si dadka ku nool ay u helaan addeegyada ay dowladda Puntland balan qaaday sida waxbarashada,caafimaadka iyo arrimaha qoyska.

Deegaanadda ay soo bartay wasiiradda haweenka ayaa kala ah Gorgorey,Taageer,Baargaal Bareedo,Caluula Geesaleey,Xaabo Murcaya Muudiya waxayna sheegtay dhamaan deegaanadaasi inay u baahan yihiin hormarin baaxad leh maadama uu gobalku ku yaala dhulka fog ee bariga Puntland.

Wasiirka haweenka ayaa sheegtay sidoo kale sanadkan inay xooga saari doonan sidii looga dhabayn lahaa joojinta gudniinka dhibaateeyo haweenka oo dhowaan madaxwaynaha Puntland uu saxiixay barnaamij guud ahaan lagu joojinayo gudniinkaasi.

Wax ka qabashada xaaladaha arrimaha qoyska,samaynta daraasaas lagu qiimaynayo xaalada haweenka iyo caruurta ayay sheegtay wasiiradda haweenka inay bilaabeen oo ay ka hor mareen Gobalka Mudug.

Arrinta kale ee ay wasiiradda haweenka waraysiga ay bixisay kusoo hadal qaaday ayaa ka mid ah hirgalinta barnaamij kor loogu qaadayo caruurta aan gaarin dusiga hoose sida xananaynta caruurta,waxayna ku tilmaamay inay muhiim tahay in la helo jiil aqoon leh oo dalka mamulo.

Xilalka haweenku ka heleen gollaha wasiiradda ayay sheegtay Aniso Xaaji Muumin inay ku faraxsan tahay inkastoo ay tilmaamtay inuu ku yar yahay xilalka ay hellaan hadana waxay rajo ka muujiyay inay kuraas ka helan gollayaasha deeganadda Puntland iyo Agaasimayaasha guud.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>