Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay inuu kala diray gollihiisa xukumadda.
Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Gaalkacyo ayaa sheegay maanta oo Axad ah inuu guud ahaan kala diray wasiiradda iyo wasiir ku xigeenada Galmudug isagoona sheegay inay muhiim tahay in isbadal uu dhaco.
Waxa uu sheegay mudo sodan cisho ah inuu kusii dhisi doono xukumad kale,wuxuna sheegay tan uu soo dhisayo inay noqon doonto mid ka wax qabad fiican tan uu kala diray.
Madaxwaynaha Galmudug ayaa ku sababeeyay kala dirista gollaha xukumadda inay tahay arrin iska caadiya oo mararka qaar la sameeyo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo